shorts and fantastic story

shorts and fantastic story

shorts and fantastic story

sheekada 1aad : Xadhiga xadhiga ka fura

waa iga afeefo beenta bani-aadanku waa uu wada yaqaan balse waa la kala badsadaa,

beenta u horaysa ee bani-aadanku kuu sheeko ayaa ah inuu ku yidhaa “beenta ma

aqaan anigu “.waxaad leedahay kow waa beentii kowaad ee uu ku sheeko,

somaliduna beenta labaad ee ay kuu sheekaan waa in ay ku yidhaahdaan qabyaalad 

manaqaano.

halkan waxaan idin kula wadaagi doonaa sheeko gaaban oo aan is leeyahay dadka

intiisa badan way jeclaysan doonaan sheekadan,

waxaana sheekadan la yidhaahdaa xadhkaha ka fura.

bari ayaa waxa magaalada hargeysa ku noolaa afar wiil oo saxiibo ah kuwaasi oo

ku dhex bisaaradaystay magaalda gudaheeda waxayna maalin layimaadeen fikir,

wakhtiyadaa waxa magaalooyinka afka somaliga ku hadla ku badnaa dadka khraafaadka 

akhriya ee yidhaahda ” waxbaa la noosheekaa ,waxbaa nala hadla I.W.M “.

Waxayna dhalin yaradii ku tashadeen in ay wadaad qabsadaan oo ay yidhaahdaan 

sheekhan ayaa jiminka saara, taasi ayaanay sameeyeen waxayna heleen miskiin wadaada

oo markaas uun magaalada soo galay waxayna ku yidhaahdeen ” sheekhow adigu qolkaasi 

uun baad noo fadhiyeysaa oo anaguna intaan magaalada galno ayaan dadka ku odhanaynaa

waxa jira wadaad jinka saara, intaa kadib dadka aan kuu keeno adigu waxaad ushitaysaa 

xaar lo’aad, xildiid , malmal iyo waxyaabe kale oo qadhmuun .

anaguna bustahaa adag ayuun baan ku qabanynaa ilaa uu kayidhaahdo waanu ka baxnayna 

siidayn maynno ee adigu sidaasi uun yeel “

Marka ay arintii sidaa ay ku dhameeyeen ayey magaaladii galeen si ay dadka ugu soo 

wargeliyaan intaa ka bacdi dad badan ayaa uyimid oo ka cabanaya xanuunada jinka iyo

kuwa kale oo la hal maala , afartii nine fikirkan layimidna marka qofkaa xanuunka ka cabanaya

uu hor fadhiisto sheekha ee uu sheekhuna wixii qadhmuunaa ee ay isku ogaayeen ushido

ayaa ay buste weyn oo ay hareeraha afatuba ka hayaan dul saarayeen naqaskana ugu 

dhajinayeen ,

ileyn qofku naqasku markuu qabto ee uu urtan qadhmuun wareeriso ayuu iska odhan jirey

waanu ka baxnay oo sidaasi ayey kusii dayn jireen.

waxay sidaasi ku shaqaystaan maalin maalmaha ka mida ayaa loo keenay nin si dhaba 

uxanuusanaya oo silsilado ku xidhan markaasi ayuu sheekhii yidhi ka fura sil-siladaha

mid kamida afartii nin ee fikirkan keenay ayaa sheekha inta uu udhawaaday ku yidhi ” sheekh 

kani wuu ina cawariye inaga daa yaan silsilada laga furine ” markaas ayuu sheekhii

yidhi ” waar kuwa ka waaweyn ayaa nasoo maree ka fura idinku “

ileyn jabkaaguba waa been taada aamine.

dadkii waday ninkan xanuusanaya ayaa ragii  ku yidhi “ waar sheekha hadalkiisa maqla

oo kafura “,

markii ay sil-siladii gacmaha iyo lugaha ka fureen ayaa uu inta taw yidhi sheekhii

dusha kaga booday markaasi ayaa intii laga qabanayey afka lahelay dhagtii midig ee sheekha 

inta uu afka geliyey ayuu goostay dabadeedna liqay.

inta uu sheekhii kor ubooday ayaa uu orod ku baxsaday ilaa kutubtiisii ka rooray…

ileyn isagaa yidhiye xadhiga xadhiga ka fura………..kkkk

sheekada 2aad : kaalay kaalayoo hadal iibso.

sheekadan aan jeclaystay inaan idin la wadaago jalaayaal waxa hal ku dhigeedu yahay kaalay kaalayoo hadal iibso, waxa jirey nin aad sabool u ah 

oo danyara oo shaqale ah waxaanu malin walba la cuntayn jirey ubadkiisa iyo reerkiisa waxa  uuna ahaa mid iloobay ka cunista cuntooyinka makhaayada 

suuqa ku yaal waxaanu cuntada usoo doonan jirey xaafadiisa.

maalin maalmaha ka mida ayey xaaaskiisii ku tiri xaaji maanta casuumad ayaanu leenahay oo xaafad heblaayo ayaa na casuuntay ee qadad markaad shaqada 

kasoo baxdo suuqa kasoo cuntee, markaasu ayaa buu ogolaaday inuu suuqa kasoo cunteeyo.

markii uu shaqadii kasoo rawaxay ayuu doonay inuu kasoo cunteeyo suuqa isaga oo meherada suuqa kusii socda ayaa buu arkay makhaayad cunto oo cusub isla

markaana ku taala jidka uu socday,intaa kadib makhayadii ayuu gudaha ugalay waxa ayna u eekayd makhaayadu mid cusub islamarkaana aad ayaa buu uga 

helay makhaayadan cusub ,ma uu hubsane kuraasta cidba ma fadhido oo kaligii ayaa fadhiya ,kuraasta meheradu waxay ahaayeen kuwaa aad uqurux badan isla markaana cusub, sidoo kale alaabta gudaha makhaayada taal ayaa 

aad usoo jiidatay.

islamarkiiba inamadii shaqaalaha ahaa ayaa mid kamidi dhankiisa usoo dhaqaaqay soona dhaweeyey dalabkiisan waydiiyey isaga oo isku faaninaya ninkii

mudalabka ahaa ayaa ku yidhi ninkii aad usoo dhawoow alaylahe waad ka xulatay makhaayadaha kale anaguna waxaa kuu balan qaadaynaa inaan si fiican 

kugu adeegno oo aad nagu qanactid ee magacaa ayuu ku yidhi ninkii oo layaaban ninkan warka ku wareeriyey ayaa yidhi ” waar waxanoo hadala naga daa oo 

nasii wasalad hiliba iyo saxan bariisa”.

mudalabkii ayaa ku yidhi eshcalaa dalab bariiska aad dalbatay aniga ayaa maydhay ,calina khudaarta ayuu jarjaray ,xuseen gaabanena waa uu kariyey,

ninkii oo aad ucadhaysan ayaa yidhi ” waar nasii waxaanu kaa dalbanay “.

mudalabkii ayaa ku yidhi ukaadi hadag-dagine hilibkana aan kaga waramee waxaanu yidhi hilibka waxa googooyey faarax xuseena gaabanana sagaa si fiican 

ukariyey.

markaas ayaa ninkii oo aad u cadhaysani yidhi isaga oo la hadlaya inankii makhalka hayey ” waar waa maxay meeshani ninkana hadlbuu nagu daldalayaa ee miyaad 

nasiisan cuntada aanu idinka dalbanay “,markaasi ayuu inankii makhal hayuhu ku yidhi “miyaanad boodhka meherada akhrisan”,markaas ayaa inta uu ninkii

baxay eegay boodhkii isla markaana qoslay mise waxaaba ku qoran “kaalay kaalayoo iibso hadal ” ….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *