shorts and fantastic story
sheekada 1aad : Xadhiga xadhiga ka fura
waa iga afeefo beenta bani-aadanku waa uu wada yaqaan balse waa la kala badsadaa,
beenta u horaysa ee bani-aadanku kuu sheeko ayaa ah inuu ku yidhaa “beenta ma
aqaan anigu “.waxaad leedahay kow waa beentii kowaad ee uu ku sheeko,
somaliduna beenta labaad ee ay kuu sheekaan waa in ay ku yidhaahdaan qabyaalad
manaqaano.
halkan waxaan idin kula wadaagi doonaa sheeko gaaban oo aan is leeyahay dadka
intiisa badan way jeclaysan doonaan sheekadan,
waxaana sheekadan la yidhaahdaa xadhkaha ka fura.
bari ayaa waxa magaalada hargeysa ku noolaa afar wiil oo saxiibo ah kuwaasi oo
ku dhex bisaaradaystay magaalda gudaheeda waxayna maalin layimaadeen fikir,
wakhtiyadaa waxa magaalooyinka afka somaliga ku hadla ku badnaa dadka khraafaadka
akhriya ee yidhaahda ” waxbaa la noosheekaa ,waxbaa nala hadla I.W.M “.
Waxayna dhalin yaradii ku tashadeen in ay wadaad qabsadaan oo ay yidhaahdaan
sheekhan ayaa jiminka saara, taasi ayaanay sameeyeen waxayna heleen miskiin wadaada
oo markaas uun magaalada soo galay waxayna ku yidhaahdeen ” sheekhow adigu qolkaasi
uun baad noo fadhiyeysaa oo anaguna intaan magaalada galno ayaan dadka ku odhanaynaa
waxa jira wadaad jinka saara, intaa kadib dadka aan kuu keeno adigu waxaad ushitaysaa
xaar lo’aad, xildiid , malmal iyo waxyaabe kale oo qadhmuun .
anaguna bustahaa adag ayuun baan ku qabanynaa ilaa uu kayidhaahdo waanu ka baxnayna
siidayn maynno ee adigu sidaasi uun yeel “
Marka ay arintii sidaa ay ku dhameeyeen ayey magaaladii galeen si ay dadka ugu soo
wargeliyaan intaa ka bacdi dad badan ayaa uyimid oo ka cabanaya xanuunada jinka iyo
kuwa kale oo la hal maala , afartii nine fikirkan layimidna marka qofkaa xanuunka ka cabanaya
uu hor fadhiisto sheekha ee uu sheekhuna wixii qadhmuunaa ee ay isku ogaayeen ushido
ayaa ay buste weyn oo ay hareeraha afatuba ka hayaan dul saarayeen naqaskana ugu
dhajinayeen ,
ileyn qofku naqasku markuu qabto ee uu urtan qadhmuun wareeriso ayuu iska odhan jirey
waanu ka baxnay oo sidaasi ayey kusii dayn jireen.
waxay sidaasi ku shaqaystaan maalin maalmaha ka mida ayaa loo keenay nin si dhaba
uxanuusanaya oo silsilado ku xidhan markaasi ayuu sheekhii yidhi ka fura sil-siladaha
mid kamida afartii nin ee fikirkan keenay ayaa sheekha inta uu udhawaaday ku yidhi ” sheekh
kani wuu ina cawariye inaga daa yaan silsilada laga furine ” markaas ayuu sheekhii
yidhi ” waar kuwa ka waaweyn ayaa nasoo maree ka fura idinku “
ileyn jabkaaguba waa been taada aamine.
dadkii waday ninkan xanuusanaya ayaa ragii ku yidhi “ waar sheekha hadalkiisa maqla
oo kafura “,
markii ay sil-siladii gacmaha iyo lugaha ka fureen ayaa uu inta taw yidhi sheekhii
dusha kaga booday markaasi ayaa intii laga qabanayey afka lahelay dhagtii midig ee sheekha
inta uu afka geliyey ayuu goostay dabadeedna liqay.
inta uu sheekhii kor ubooday ayaa uu orod ku baxsaday ilaa kutubtiisii ka rooray…
ileyn isagaa yidhiye xadhiga xadhiga ka fura………..kkkk
sheekada 2aad : kaalay kaalayoo hadal iibso.
sheekadan aan jeclaystay inaan idin la wadaago jalaayaal waxa hal ku dhigeedu yahay kaalay kaalayoo hadal iibso, waxa jirey nin aad sabool u ah
oo danyara oo shaqale ah waxaanu malin walba la cuntayn jirey ubadkiisa iyo reerkiisa waxa uuna ahaa mid iloobay ka cunista cuntooyinka makhaayada
suuqa ku yaal waxaanu cuntada usoo doonan jirey xaafadiisa.
maalin maalmaha ka mida ayey xaaaskiisii ku tiri xaaji maanta casuumad ayaanu leenahay oo xaafad heblaayo ayaa na casuuntay ee qadad markaad shaqada
kasoo baxdo suuqa kasoo cuntee, markaasu ayaa buu ogolaaday inuu suuqa kasoo cunteeyo.
markii uu shaqadii kasoo rawaxay ayuu doonay inuu kasoo cunteeyo suuqa isaga oo meherada suuqa kusii socda ayaa buu arkay makhaayad cunto oo cusub isla
markaana ku taala jidka uu socday,intaa kadib makhayadii ayuu gudaha ugalay waxa ayna u eekayd makhaayadu mid cusub islamarkaana aad ayaa buu uga
helay makhaayadan cusub ,ma uu hubsane kuraasta cidba ma fadhido oo kaligii ayaa fadhiya ,kuraasta meheradu waxay ahaayeen kuwaa aad uqurux badan isla markaana cusub, sidoo kale alaabta gudaha makhaayada taal ayaa
aad usoo jiidatay.
islamarkiiba inamadii shaqaalaha ahaa ayaa mid kamidi dhankiisa usoo dhaqaaqay soona dhaweeyey dalabkiisan waydiiyey isaga oo isku faaninaya ninkii
mudalabka ahaa ayaa ku yidhi ninkii aad usoo dhawoow alaylahe waad ka xulatay makhaayadaha kale anaguna waxaa kuu balan qaadaynaa inaan si fiican
kugu adeegno oo aad nagu qanactid ee magacaa ayuu ku yidhi ninkii oo layaaban ninkan warka ku wareeriyey ayaa yidhi ” waar waxanoo hadala naga daa oo
nasii wasalad hiliba iyo saxan bariisa”.
mudalabkii ayaa ku yidhi eshcalaa dalab bariiska aad dalbatay aniga ayaa maydhay ,calina khudaarta ayuu jarjaray ,xuseen gaabanena waa uu kariyey,
ninkii oo aad ucadhaysan ayaa yidhi ” waar nasii waxaanu kaa dalbanay “.
mudalabkii ayaa ku yidhi ukaadi hadag-dagine hilibkana aan kaga waramee waxaanu yidhi hilibka waxa googooyey faarax xuseena gaabanana sagaa si fiican
ukariyey.
markaas ayaa ninkii oo aad u cadhaysani yidhi isaga oo la hadlaya inankii makhalka hayey ” waar waa maxay meeshani ninkana hadlbuu nagu daldalayaa ee miyaad
nasiisan cuntada aanu idinka dalbanay “,markaasi ayuu inankii makhal hayuhu ku yidhi “miyaanad boodhka meherada akhrisan”,markaas ayaa inta uu ninkii
baxay eegay boodhkii isla markaana qoslay mise waxaaba ku qoran “kaalay kaalayoo iibso hadal ” ….