Will Liverpool release Salah ?

Will Liverpool release Salah ?
Will Liverpool release Salah ?

Halyeeyga weerarka Liverpool Mohamed Salah ayaa qandaraaskiisa Anfield uu dhacayaa xagaaga soo aadan, mana muujin wax calaamad ah oo uu ku kordhinayo qandaraaskiisa.

Micah Richards ayaa sheegay in Liverpool aysan noqon doonin koox adag Salah la’aantiis – wuxuuna ku adkeystay inay “u baahan yihiin isaga”.

Inkastoo Arne Slott uu si wacan ku bilowday nolosha Anfield isla markaana uu Reds ka dhigay koox u tartamaysa horyaalka, haddana waxaa jirta cabsi xooggan oo kooxda ka jirta. Saddex ka mid ah xiddigahooda ugu sareeya, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, iyo Salah, ayaa dhamaantood qandaraaskoodu dhacayaa 2025.

Xiddiga reer Masar oo kooxda ku soo biiray 2017 ayaa shaki la,aan noqon doona mid ka mid ah halyeeyada Liverpool marka ay timaado wakhtiga uu ka tagi doono,maadama uu taariikh fiican leeyahay,laakin su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah sida ay noqon doonto Liverpool hadii uu xagaaga ka tago? Livarpool miyay sii deyn doontaa Salah xiga?

Sida laga soo xigtay falanqeeyaha Sky Sports Richards, kooxda kuma socon doonto si wanaagsan. Daaficii hore ee Manchester City ayaa dareensan in Salah aan la taaban karin haddii guusha lagu arko Merseyside-ka, kooxdana aysan dhameystirneyn la’aantiisa.

Markii la waydiiyay in Liverpool ay noqon doonto koox xoogan xilli ciyaareedka soo socda hadii Salah uu baxo, Richards ayaa si fudud ugu jawaabay: “Maya, maya, maya- fursad maya!”

Will Liverpool release Salah ?

“Ma jirto wax fursad ah, Livarpool waxay u baahan tahay Salah, sababta aan sidaas u leeyahay waa sababtoo ah Salah wuxuu dhalin karaa goolal xitaa marka uusan si fiican u ciyaarin, taas ayaa ah farqiga, marar badan, wuxuu dhaliyay goolal kooxda ka caawiyay inay tartanto, waxaan u maleynayaa in qofna uusan ku bedeli karin.”

3 Comments on “Will Liverpool release Salah ?”

Comments are closed.