two shorts and fantastic story

two shorts and fantastic story

two shorts and fantastic story

labo kala daran

Sheekadan la magac baxday labo kala daran ayaan jeclaystay inaan idin la wadaago.

sheekadani waxay ku bilaabanaysaa nin xoolo dhaqado ahaa oo malin maalmaha kamida

ayaabuu doonay inuu magaalada usafro si uu usoo iibiye waxyaabaha ay reerkiisu

ubaahan yihiin sida cuntada ay ku noolaan laaayeen iyo huga ay xidhan lahaayeen

waxaanu soo kaxeeyey laba neef oo adhiya.

markii uu soo galay magaalada labadii neef galin hore ayaa laga iibsatay iyada

oon gaadhin barqadii lacag fiicana way ujareen isla markiiba waxa uu fadhiistay

isaga oo faraxsan maqaaxi udhawayd oo waxa uu ka iibsatay qaad iyo shaahba halkii ayaanu

doonay inuu ku cuno markii uu qorigii kowaad cunayba waa uu mirqaamay oo uu

doonay inuu la sheegaysto gabadhii makaayada haysatay oo uu islamarkiiba uga waramay

arimihiisa shakhsiyadeed , gabadhu way shaqaysanaysaaye hadalkiibay ka guri wayday

ileyn waa nin mirqaamay isna waxa uu noqday nin la cabudhiyey oo wayey cid uu la sheekayto.

cabaar markii uu fadhiyey aya waxa albaabka kasoo galay nin isna maanta oo dhan

qaad raadis ku jirey oo aqaar yar oo uu soo helay meesha ku cun islahaa ,markiiba ninkii

la cabudhiyey ayaa halkiisa udurqay si uu ula sheekaysto ileyn waa nin mirqaamaye.

isbararsho ka bacdi ninkii reer iyiga ahaa ayaa sheekadiisii bilaabay waxaanu ku bilaabay sidan

” beri anaga oo meel barwaaqo ah degan oo ay xooluhuna noo wanaagsan yihiin ayaa malin

maalmaha ka mida hal aan aad ujeclaa oo caano badnayd libaax dhagada kaga booday oo qoorta

ka jabiyey balse muu calfan inuu cune ah waan karidnay,aniguna hashii ayaa habeenkii oo

dhan iga dhex guuxaysay oon ilaabi waayey aroortii markii ay gaadhay ayaan intan tooray saddex

afle ah qaaday ayaan libaaxi u tagay oo keyn jiq ah hurdo goor barqo ah dhawr dhagax ayaan ku

tuuray si uu usoo kaco markii uu i arkay ayuu igu soo rooray aniguna intaan go’ aan sitay gacanta

ku duubay ayaa markuu soo booday gacantii afka ugeliy intii aanu gacanta iga jabin ayaan tooraydii

aan sitay caloosha kaga soo riday halkii ayaanan ku diley”.

ninkii kale ayaa isna bilaabay sheekadiisii waxaanu yidhi ” aniga oo kasoo safray magaalo heblaayo

oo diyaarad soo raacnay ayaa mrkaanu marayno meel heblayo diyaaradii daruur adag ka hor timid oo ay

mari waysay aniga iyo nin kale oo xoog wayn ayaa lanagu yidhi waar walaalayal intaad diyaarad ka

dagtaan baalasha qabta oo riixa waanu isyara adkaynay oo diidnay balse dumarkii iyo caruurtii

ayaa nagu qayliyey oo markii dambe waa aanu dagnay oo intaan baalashii qabanay riixnay oo ilaa aanu

dhaafinay daruurtii adkayd ee ay naga gashay,”ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa ku yidhi oo idinku maxaad

soo raacdeen waxaanu ugu jawaabay tii ka dambaysay ayaanu soo raacnay..kkkkkkkkk

sheeko qosal badan

waxa jirtay sheeko aad uqosal badan oo kusaabsan qaadka iyo cunistiisa waxaan jeclaystay inaan la wadaago cidkasta

oo aragta maqaalakaygan.

bari aan sidaa usii fogayn waxa magaalada hargaysa ka dhacday sheeko ku saabsan wiil hore oo qaadka cuni jiray,

wiilkii waxa uu udhoofay dalka dibadiisa waxaanu ku maqnaa mudo dhawr sano ah halkasi oo kusoo ilaabay mirqaankii

markii hadaba kusoo laabtay magaaladii hargaysa ayaa madaarka waxaa kusoo dhaweeyey asxaabtiisii , waxaanay isku

soo wada raaceen guri uu lahaa nin ay saaxiibo yihiin,ninkii dibada ka yimid oo halkaasi lagu casuumay laguna maamuusay.

hadaba dadka reer hargaysi waxa ay caado u leeyihiin in hadii duco loo sameeyo aan qaadna laga reebin markaasi ayuu ninkii

dibada ka yimid yidhi ” waar ordoo qaadna noo doona “.

markii qaadkii lasoo qaaday ee si wada jira loo wada mirqaamay ayaa ninkii dibadaha ka yimid een dhawrka sannaba arag wax

qaada aad umirqaamay ( xadhkaha goostay ) , intaa ka bacdi waa uu kululaaday waxaanu doonay inuu soo maydho balse gurigan uu

saxiibkii lahaa suuligu daarada dambe ee guriga ayuu ku yaalay .

daarada horteedana waxa fadhiya ninka guriga iska leh xaaskiisa iyo hablahoodii oo dhar farabadan intay maydheen ku feeraynaya (kaawiyadaynaya)

inta uu ninkii dhaafay ayaa buu suuliga galay kabacdina kusoo maydhay intaa ka dib waxa uu soo baxay isaga oo qaawan oo aan wax

dhar ah qabin ( xidhnayn ).

dumarkii ayaa ka fajacay oo layaabay ninkan qaawanida kusoo baxay ,

ninkiina iskama uu dareemine si toosa ayuu udhaafay dumarkii oo u aaday qolkii ay fadhiyeen ee ay ragga kalena ku mirqaamayeen

markii uu galay ayey ragii layaabeen ninkan qaawan ee usoo galay ka dibna waxay waydiiyeen dharkii uu xidhnaa halka uu kusoo bixiyey.

markiiba waxa uu xaqiiqsaday in uu suuliga kaga yimid ,suuligii ayaanu ku laabtay waxaanu sii dhaafay hablihii balse intaanu dhaafin ayaa

inta uu ishortaagay ku yidhi ” raali ahaada hablo aniga oo qaawan ayaan idin hormaraye “.

balse ilaa hada waa uu qaawanaa..

akhriste hadii aad jeceshay sheekooyin iyo kuwa ka xiiso badan ku xidhnow website-keenan samawade news uguna kaalay

wararkii udambeeyey ee somalida iyo ciyaaraha iyo waliba sheekooyin ku raali geliya.