THE SPY THAT SPIES { part two }

THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part two }

BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybtii 2aad)

Xalqadii hore waxa ay inoogu joogtay Cabbaas oo khatar ku jira iyo Andres oo in uu badbaadiyo usoo baxay isla markaana waxa aynu kasoo sheekaynay Andres iyo taariikhdiisa.

Qaybta labaad waxa ay ku bilaabmaysaa Cabbaas oo hadalkiisi sii wata waxaan auu yidhi:

Xafiiskaygii ayaan badqab ku tagay, cabbaar haddii aan fadhiistayna waxa ii timid Maariya. Sidii caadada ahayd bun ayay cabbaysaa, se maanta hal shay ayaa ka maqan oo aanay waligeed ka iman waana okiyaalihii.

Intay indho waalan igu eegtay ayay tidhi: ” waa la ina ogaaday dabagal ba’an ayaana la inagu hayaa”.

Waxa aan ugu jawaabay: ” Maya, ee aniga ayaa la i ogaaday”.

Iyada: ” Mudane sidee ayay ku dhacday?”

Aniga: “Ma garanayo, se waan ogaan doonaa ee waxa aad wacdaa Caamir iina dhiib laynka aan la hadlee”.

Aniga: ” Hello Caamir, iiga sheeke waxyaabahan dhacaya”.

Caamir: ” Mudane anigu waxa aan ku jiraa hawlgalkaygii, wasiirkana waxa aan isaga dhigay nin ganacsade ah isna wax walba wuu aaminay xataa shalay galab meel ayaan ka wada qaxwaynay.

Mar uu sirdoonkiisa la hadlayeyna si kadisa ayuu isu badalay isaga oo aad mooddo in war farxadeed usoo dhacay. In uu baxo ayuu u holladay aniguna fargalkii qaaliga ahaa ee codka duubayay ayaan u hadiyeeyay.

Daqiiqado kadib waxaan maqlayey codka gabadh si degdeg ah u warramaysa iyadoo leh mudane wasiir waan soo helay cidda uu yahay Cabaas, haa waan idinka hubaa inuu isaga yahay.

Wasiirka ayaa waydiiyay maxad ku xaqiijinaysa?

Waxay ku jawaabtay caawa yimaada guriga 324Building ee wadada White Street. Kaasi waa gurigiisa waxaanu ku socdaa gaadhi Vitara ah oo madaw ah.

Cabbaas: ” warkaas ma duubtay adigu Caamirow”.

Caamir: ” waan ka xumahay mudane kaliya waxan haystay headphone ka dhagaysiga oo moobilkayga waxan uga soo tagay gadhigayga dhexdiisa”.

Cabbaas: ” Oh shit! Codka gabadhaas ma garanaysaa hadaad mar kale maqasho”?

Caamir: ” Waan kaa hubaa mudane haa”.

Cabbaas oo fikiraya ayaa naftiisa ku leh:” Haa, cidda la ogaaday waa aniga, gurigayga iyo gaadhigaygaba oo xalay oo dhanba gaadhbaa la iga hayey, waxa aad doontaan sameeya marna kama laabanayo Hindiya ilaa aan fuliyo hawshii aan u imid oo aan kaw ka siiyo wasiirka gaashaan dhigga iyo inantiisa afka dheer leh, waliba waan dilayaa inta aanay sheegin xogta ay hayaan.

Aniga iyo kooxdaydu waa in aan ku laabanaa wadankayaga Pakistan anagga oo hubna in nalooso dhawayn doono sida boqoradda!

Sigaar buu shitay, wuu jiiday, qiiq badan ayuu sanka ka sii daayay kadibna isaga oo aamusan ayuunbay Maariya la soo booday ka warran mudane haddii innaga oo dhan nala wada ogaado.

Inta aanay iyagu ina ogaan waa in aynu inagu ogaano ayuu ku jawaabay.

Cabbaas ayaa taleefanka guri ku kiraystay, gaadhigii vitaraha ahaana gaday isla markaana mid kale iibsaday isaga oo adeegsanaya magiciisa uu magaalad ku joogo ee Ajey Modi.

Xaaskiisi ayuu la hadlay una sheegay inay guri cusub u guurayaan oo waliba goglan, cinwaanka ayuu siiyay.

Nin kiro lagu yeesho maaha oo waa lacagle is nacaye markiiba ciddii guriga hore lahaydna wuu wargaliyay.

Hadaba kaalay baro shakhsiyadda Ajey Modi ( Cabbaas).

Waa xaasle sheegta in uu yahay ganacsade, waxa uu haystaa shahaado PHD ah oo ganacsiga ah kana soo qaatay jaamacadda NewYork, wuxuu iska dhigaa inuu yahay Hindi ku dhashay dalka Maraykanka.

Halkan waxa uu yimid isaga oo sita shahaadadaas been abuurka ah iyo magacaas khiyaaliga ah. Todoba bilood kahor markii uu Madaarka ka soo dagayay waxa safarka ku wehelinayey saaxiibkii Andres oo ah khabiir asal ahaan kasoo jeeda waddanka Isbaanishka se ku koray oo wax ku bartay Pakistan madama ay hooyadii halkaas ula soo baxsatay isaga oo aad u yar. Andres shakhsiyadiisa iyo aqoontiisa hore ayaan uga soo sheekaynay se aan asxaabta kale ee Ajey eegno.

Maariya ayaa ka mid ah, waa gabadh yar oo 26jir ah aadna u dheer, mar walba waxay xidhataa okiyaalaha xaragada ee madaw sidoo kale dhar gaagaaban ayay xidhataa. Waa nafle aan qosolka aqoon aadna u su’aalo badan, maaha dadka habrada ee indhaha qofka ka weeciya marka ay la hadlayaan. Waa hawl kar saddex maalmood oo xidhiidha toos u shaqayn karta hadday hesho saacad saacad hurdo ah.

Ilbidhiqsi kasta xanjo ayay calaashanaysaa ama bun ayay fiikisaysaa. Waa aqoonyahand dhanka cilmiga computerada ah, laba shahaado ayay ka sidataa cilmiga computerka ( computer science) waddankan markii ay soo gashay waxa ay kasoo gashay dhanka xuduudda Kashmir iyada oo iska dhigaysa qaxoonti abaaro kasoo barakacay. Shaqada ay qabataa waa in ay xogta u kala qaaddo kooxdan basaasiinta ah ee ree Pakistan ee Hindiya u jooga inay laba qof khaarajiyaan kadibna iska laabtaan.

Qofka inoo hadhay waa Caamir, magac sireedka uu magaalada ku joogaana waa David. Waxa uu yimid isaga oo ganacsade ah, magaalada Delhi ayuuna kasoo dagay. Wuxuu isku sheegay inuu yahay nin ka soo dagay waddanka China halkanna ganacsi u yimid sababtaa darteed waxa u fududaatay in uu madaxda waddanka dhex galo. Hadda waxa uu saaxiib dhaw la yahay wasiirka Difaaca oo ah hadafka koowaad ee kooxdan. Se wali kooxdani meel kuma oga bar-tilmaameedkoodii labaad oo ahayd Jayanti Khatri oo ah inanta uu dhalay wasiirka difaaca ee dalku oo dabcan magiciisu yahay Khatri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *