THE SPY THAT SPIES { part three }

THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part three }

BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybta 3aad)

Xalqaddii hore waxay aynu ku qaadanay in aynu kala barano kooxdii sirdoonka ahayd ee ka socotay dhanka haayadda siroondka ee Pakistan ee loo yaqaan ISIS inagga oo sidoo kale sheegnay hadafka ay u yimaadeen dalkan India.

Maanta aynu kala barano cidda dhanka India ku matalaysa sheekadan 👇👇

Dhanka Hindiya, wasiir Khatri iyo inantiisu labaduba asalkoodii waxa ay ka mid ahaayeen ciidanka sirdoonka Pakistan ee ISI balse hal mar ayay go’aan ay kaga baxsanayaan qaateen kadib markii ay isku hubsadeen lacag badan oo noloshooda heer sare gaadhsiinaysa.

Intii ay ka midka ahaayeen sirdoonka Pakistan waxa ay fuliyeen qorsheyaal u muuqday kuwo aan dhici karin oo ay ku hanteen lacagtaas.

Khatri waxa uu ka qayb qaatay caawimaada ay Pakistan siin jirtay Daalibaantii Afghanistan taas oo isugu jirtay xog iyo ciidanba. Waxa uu dhex galay kabo-qaadyadii ciidanka Maraykanka ee Afgaaniyiinta ahaa sidaasna wuxuu ku heli jiray xogo badan oo ku saabsan ciidanka Maraykanka ee Afgaanisataan ku sugnaa kuwaas oo toos u gaadhi jiray Daalibaan.

Khatri isaga oo sidaas ah ayuu hal maalin go’aansaaday in uu iskaga baxo sirdoonka iskagana nasto hawshan khatarta ah.

Inantiisi ayuu la tashaday, waxanay isku raaceen in ay marka hore u dhoofaan Paris kadibna ay passport Faransiis ah ku tagaan waddankoodi India.

Markii ay India yimaadeen Khatri waxa uu hantidiisa ku bixiyey sidii uu ku noqon lahaa nin dawladda xil ka haya, waanay u suurto gashay oo waa wasiirka gaashaan dhigga ama difaaca ee qaranka.

Inantiisuna waxa ay iska dhigaysay Diktoorad faransiiska wax kusoo baratay.

Maadama ay ciidanka ISI ka hayeen xogo culus way fahansanaayeen in aan sidaa looga hadhayn ee laga raadin doono meel kasta oo dunida lagu dhuuman karaba.

Si ay isu badbaadiyaan waxa ay raaceen dhawr tallaabo oo ay ugu mudnaayeen in ay magacyadooda badaleen.

Odaygii Khatri waxa uu la baxay Baashe, inantiisi Jayanti iyana waxa la dhahaa hadda Muna Bashe.

Jayanti intaas uun kuma aysan daynin ee waxa ay gashay qaliin dhanka wajiga ah waxaana ay ku bixisay lacag waali ah si ay u noqoto Muna da hadda.

Muna muddo kadib waxa ay u xiistay shaqadeedi sirdoonimo si ay ugu biirto ciidanka sirdoon ee India ee loo yaqaan (RAW) waxa ay u baahatay kaliya inay aabbeheed oo wasiir ah ka codsato. Isna wuu u

sameeyay. Markii ay ku biirtay sirdoonka; Waxa ay iska dhigtay in ay tababar qaadanayso muddo dheer se xaqiiqdu waxa ay ahayd in xataa ay maska johoradiisa kasoo xadi karto, tukahana 5 jeer toogan karto inta aanu duulin.

Cabbaas waxa uu habeenkaas u hoyday gurigiisi cusbaa ee uu usoo guuray iyo xaaskisi Muna Baashe.

Dabcan, Haa Muna waa wasiirka inantiisa waana gabadha uu u yimid in uu iyada iyo aabbeheedba khaarajiyo laakiin Cabbaas iyo teamkiisu ma oga mana fahansana !! Hadaba sidee ayay ku dhacday in ay is guursadaan Cabbaas iyo Muna?

Cabbaas markii uu kasoo dagay madaarka waxa uu kiraysta taksi u qaada hotel uu ku socday. Taksiga dhexdiisa waxa uu ku akhrisanayey buug wayn oo sheeko faneed ahaa balse waxa ka dhacay kaadh yar oo muujinaya in uu yahay nin ka mida sirdoonka ISI iyo waliba lambar sireedka uu kooxdaas ugu magacaabanyahay. Ma uu tabin kaadhkaas ee wuu iska dagay markuu gaadhay hotelkii.

Dirawalkii oo kaadhkaas helay ayaa markiiba u geeyay ciidnanka booliska. Iyaguna waxa ay u gudbiyeen sirdoonka.

Soo ogaanshaha qofkaas sirdoonka ISI ah ee soo galay India waxa loo xilsaaray Muna Bashe oo loo sheegay inay tahay hawsheedi koowaad.

Muna laba maalin kadib waxa ay ogaatay in Ajey Modi uu isku magacaabay qofkaasi se way fahansanayd in aanu magaciisa rasmiga ah ahayn. waxaa ay usoo guurtay hotelkii uu degenaa.

Galab iyada oo usii socota barxadda sare ee hotelka ayaa waxa qolkiisa si kadisa u furay Cabbaas isaga oo degdegsan. Kaabadaha ayuu degdeg uga soo dulun dulcooday waanay is jiidhi gaadheen.

Raalihow ayay ku tidhi ka hor inta aanu isaga oo gardarnaaba odhan.

Aduu raalihow ayuu ku jawaabay.

Maya anaa ku jiidhaye raalihow ayay u celisay. Intaa kadib dareenkisi ayaaba is badalay wuxuu u arkay gabadh ixtiraam badan, waxana uu ka codsaday inay mar kale is arkaan. Barxadda sare iyo barri galab ayaa lagu ballamay. Iyaduu cadceedda ayay iskaga qaadanaysa barxaddii ay u socotay. Isna gaadhi dibadda ku sugayey oo kooxdiisi ay wateen ayuu damcay inuu fuulo se meeshii ay u socdeen oo ahayd wasaaradda difaaca ayaaba lagu soo wargeliyey in aan xiligan cidna joogin maadaama ay galab gaaban ahayd.

Fooqii ayuu ku laabtay. Barxadda hadduuba korayna wuxuu arkay Muna Bashe oo kursi koone yaala kaligeed fadhida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *