THE SPY THAT SPIES { part seven }

THE SPY THAT SPIES { part seven }

THE SPY THAT SPIES { part seven }

Ifafaalihii quusta ( BASAASIINTII IS BASAASAY) Qaybtii 7aad.

Waagii markii uu baryay xaajiyad askar ah ayaa timid xabsigii uu ku xidhnaa Cabbaas, waxa ay u socdeen in ay qaadaan Maariya si ay u deldalaan se waxa amakaag ku noqotay markii ay waayeen Maariya iyo Caamirba isla markaana ay arkeen Cabbaas oo qolkiisi iska dhex hurda iyo askarigii oo ku hor suuxsan qolkii Maariya.

Waxxa ay waceen dhoolli ( ambulance) si askariga suuxsan loo geeyo cusbitaal, wayna iska laabteen iyaga oo hal askari uga tagay ilaalo ahaan, waxa ay galeen baadhitaan daba-gal ah inay sameeyaan oo raadiyaan labadii qof iyo darawalkii gaadhiga maqan ku kaxeeyayba. ( waxa ay saldhig walba u direen gaadhiga taarikadisi iyaga oo u sheegay in aragti lagu toogto cidda saaran gaadhigaas).

Si kasta oo ay u raadiyeen way ka quusteen ugu danbaynna kiiskaas way laabeen, iyaga oo isku qanciyay in Mariya iyo Caamir ay albaabka jabsadeen kadibna ay askariga koomo galiyeen ugu danbayna ay ku qasbeen askarigii gaadhiga darawalka ka ahaa inuu xuduudka dhaafiyo.

Cabbaas waxa uu ku jiraa jeelkii oo ilaaladiisi la badiyay sidii caadiga ahaydna waxa uu naawilaya in maalin uun ay soo booqato Muna iyada oo wadda wiilkiisi Naren.

Waqtigu wuu is guray durba 2ba sanno ayaa naawilaad ku idlaaday. Cabbaas niyadiisa waxa kusoo dhici lahayd heestii ahayd:

Waqtigu iima roono

Rako igaama saaroo. Waaba haddii uu somali ahaan lahaa malahe. Jeelka ayuu la saaxiibay, afarta gidaar bay is xaal-waraystaan albaabka xadiidka ahina wuxuu u qaybiyaa sheekada. Marka ay jeelka cid soo booqataba hanqalkuu la soo kacaa isaga oo is leh waa Muna. Intii uu jeelka ku jiray waxa la sii daayay maxaabiis badan, waxa xukunkoodi dhammaaday qaar kale. Kuwo kale ayaa dilal toogasho ah lagu fuliyay oo hiirta waaberi jeelka lagala baxay.

Jidiin waxa u ah jab rooti ah iyo haaf-bigaysa oo barqinka la isa siiyo, se askarigii badbaadiyay Mariya iyo Caamir oo wali ilaalada ka tirsan ayaa isaga u keena biyo mararka qaarkood. Maalin walba wuxuu waydiya askari kuma ayaad tahay isna wuxu ku yidhaahdaa waxa aan ahay af-xidhkii naxariista lahaa.

5 sanno ayaa laga joogaa markii Cabbas uu jeelka doortay, maalin kalena kuma ay soo noqon Muna.

Rejadii qalbigiisu way sii nusqaamaysa. Marar badan waxa uu soo xasuusanayaa ballanqaadkii Muna ee ahaa wan kuso booqan doona, ilmahaagana wan kusoo tusi doonaa, se kuma kalsoona sababtoo ah basaasiinta xididka ugu horreeya ee laga dilaaba waa ka kalsoonida.

Cabbaas waxa uu ku dhex xanuustay xabisgii. Waxa laga asiibay cunaha. Qufac ayuu jari waayay ugu danbayna xanuunkii ayaa caloosha u dhadhacay. Cidna ma ay danaynayn xaaladiisa, xabsi daa’im maadama uu ahaana askartuba waxa ay ku farxi lahaayeen in uu qolka u firaaqeeyo oo uu u guuro qubuuraha.

Askarigii af-xidh ayaa ahaa mid ka kaliye xaalkiisa waraysta. Cabbaas ayaa ku yidhi askarigii: waxa aan dareemayaa qadhaadh aan afkaygu xammili karin waxa aad moodaa in tuunbo dacar ah afka la ii galiyay, ma garanayo in aan sii xammili doono qadhaadhkan, waan dhimanaya hadaan dhakhtar la i gayn, fadlan i caawi.

Askarigii waxa uu isku dayay in uu askartii kale ka dhaadhiciyo in ninkan la daweeyo se lagama yeelin.

20 sanno oo kale oo xanuun ah ayuu Cabbaas hadana ku qaatay jeelkii xaaladiisuna waxa ay ahayd:

Kediskii Xabsiga ( BASAASIINTII IS BASAASAY) Qaybtii 12aad.

Da’diisu waa 60 jir ku qaatay 25 sanno iyo goo’go jeelka dhexdiisa. Duruufta xanuun ee haysataa waxay ilowsiisay rajadii uu ka lahaa in uu wiilkiisa arko. Waxa uu ilaaway wax walba oo uu rajayn jiray mar uun, kaliya waxa uu rabaa in hal mar uu afkiisa qadhaadhkan daamanka dilaaciyay ka ba’o.

Subax hore ayuunba albaabkiisi laga furay loona sheegay in loo keenay dhakhtar xaalkiisa dabiiba.

Diktoorkii waxa uu adeegsaday qalabyo badan, baadhitaan dheer kadibna waxa uu sheegay in xaalkiisa la maarayn karo. Waxa uu yidhi diktoorku : ” ninkan waxa hayay xanuun sahlan se in badan ayaa lagu daawaday xanuunkan sidoo kale ninkan wuxuu u baahanyahay in nafsi ahaan loo dabiibo waayo waxa hadheeyay mawjado murug ah sababtaa darteed imika hal waddo ayaa inoo bannaan waana in — een — een …. i suga aan taleefankan qabtee hooyaa isoo wacayse.

Diktoorkii: Hello, hooyo.

Hooyadii : Hooyo, waxa xanuusanaya odaygii jaarkeena wadne xanuunki aya kusoo booday fadlan soo deg-deg kaalay caawi.

Diktoor: haye maamo hadda ayaan soo baxaya.

Diktoorkii oo la hadlaya bukaanki iyo askartii: ” galabta ayaan usoo noqonaya bukaanka idamka alle waxanan soo kaxaynaya saaxiibkay Erik oo ah xeel-dheere cilmi nafsi si uu gacan uga gaysto dabiibka bukaanka.

Galabnimadii diktoorkii waxa uu hawl fiican ka qabtay jirradii Cabbaas, waxa uu siiyay dawooyin uu si wacan ugu sharraxay. Diktoorka saxiibkii oo isna ah Dr. Erik ayaa bilaabay in uu waraysto maxbuuskan bal si uu nafis uga dareemo xaaladdii murugta lahayd ee dushiisa laga dheehanayey.

Erik: ” adeer magacaa?”

Maxbuuskii: ” magacaygu waa Cabbaas adeer”.

Erik: ” adeer waxad u eegtahay qof fiican. Dadka sidaada ahna uma qalmaan halkan ee danbigaagu waa maxay?”

Cabbaas: ” adeer waxa aan xidhanahay 35 sanno, waxanan ahay xabsi daa’in se kawarran hadaan ku idhaahdo xataa hal qof ma dhirbaaxin”.

Erik: ” sidee, haddaa maxaa lagugu xidhay adeer?”

Cabbaas waxa uu labadii diktoor uga sheekeyay gabi ahaanba qisadiisi ilaa uu kasoo gaadhay sidii uu jeelka kusoo galay.

Erik ayaa waydiiyay: ” marna ma isku day-day in aad baxsatid adeer?”

Cabbaas: ” kkkkk, ka warran adeer hadaan ku dhaho waxa la iiso bandhigay in jeelka aan ka baxsado se aniga ayaaba diiday.

Erik: ” laakiin sabab”

Cabbaas: ” sababtoo ah intii aan halkan ku jiray waxa

Isoo booqatay Xaaskaygaas aan ku sheegay ee sirdoonka ahayd, waxa ay sidatay ilmo yar oo wiil ah waxaana ay ii sheegtay in markii jeelka la i keenayey uurkii ay lahayd uu yahay oo wiilkaygii uu yahay, waxay ii raacisay in la dhaho Naren waxaanay ii ballanqaadday in ay marar badan igu soo booqan doonaan iyada iyo wiilkuba halkan, aniguna ma aan doonayn in wiilkaygaas aan waayo sababtaa darteed ayaanan baxsashada uga doortay joogitaanka barmuudadan oo ah halka kaliyee aan hubay inan iska heli karaynay se dib uma arag intaa aan xidhnaa.

Diktoor Naren ayaa soo booday oo yidhi: ” adeer xaaskaagaas magaceed?”

Cabbaas:” adeer way magacyo badnayd maadama ay sirdoon ahayd, magaceeda saxda ah waxa uu ahaa Muna Bashe”.

Naren oo isla hadlaya: ” markii hore waxa uu sheegtay magacii aabbahay, hadana waxa uu wiilkiisa ku sheegay magacaygii hadana waxa uu sheegay magacii hooyaday. Ma laga yaabaa in uu yahay aabbahay? Waa in aanan degdegin ee aan wax hubsadaa. Malaga yaabaa in Hooyaday ay been ii sheegaysay markii ay igu tidhi aabbahaa adoo yar ayuu dagaal ku geeriyooday?”!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *