THE SPY THAT SPIES { part four }

THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part four }

BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybtii 4aad)

Xalqaddii hore waxa ay inoogu joogtay Muna oo barxadda sare ee hotelka joogta iyada oo kursi koone yaalla kaligeed fadhida isla markaana uu Cabbaas soo koray barxaddaas, xalqadda maantuna waxa ay ku bilaabmaysaa

Kursi kale inta uu ag dhigtay ayuu ku yidhi durba waa la gaadhay xiligii aan ballanay.

Waxa ay ku tidhi” sidee ayaad ku baratay luuqadda ingiriisiga”.

Waxa uu ku yidhi:” ganacsade kasta waa iska qasab in uu yaqaano iyada”.

Inta ay dhoolacaddaysay iyada oo la yaaban beentiisa ayay ku tidhi: ” Ganacsade magacaa”.

Ajey Modi ayaa lay dhahaa ee adna magacaa ayuu ku jawaabay.

Iyana waxa ay ku tidhi Dr. Muna ayaan ahay ee ma Hindiya ayad u dhalatay?

Haa, se inta badan waan ka maqanahay imika saddex maalin ayaan joogaa oo dhanka China ayan ka imid’e adiga laftaadu ma halkan ayad ka soo jeedaa? Haa, Mumbaay ayaan kasoo jeedaa se anigu halkan dhawaan ayaan soo dagay oo Faransiiska ayaan wax kusoo bartay.

Is xaal waraysi dheer oo aan eray run ah la isu sheegin kadib, taleefanada ayaa la kala qortay se midba taleefan kiisa labaad ah oo aan ahayn kiisa dhabta ah ayuu ka kale siiyay.

Labadii qof maalmo kadib mar labaad ayay kulmeen se markan Cabbaas maaha kii hore ee waa nin quruxlaydan hunguri ka galay.

Afartii maalmood ee ay kala maqnaayeenba jacayl buu la ildarnaa.

Maanta in uu jacayl degdeg ah u bandhigto ayuu qorshihiisu yahay.

Xoogaa wada sheekaysi ah kadib. Waxa ay muquureen kaftan ku saabsan jacaylka daqiiqado ay is waafaqid iyo is diidis ku qaateen kadibna wax walba wuu u sheegay waana ay ka yeeshay.

Iyadu ma taqaano wiilkan Sirdoonka ah ee ree Pakistan mana oga qorshaha uu halkan u yimid se waxa ay u arkaysay jaanis madama uu sirdoon cadawgeeda ahi ugu soo dhacay dabin oo wax walba ay si yar kaga ogaan karto haddiiba ay is guursadaan.

Ganacsade ka warran hadaan is guursano ayay si kaftan ah ugu tidhi, isna diyaar ayuuba ku jawaabay maadama uu u arkayey jaanis fiican in uu helay oo quruxley aqoonyahanad ah uu xushay.

Halkaas ayay labadan ruux isku barteen maantana 7ba bilood ayay is qabaan.

Todobadaas bilood Muna waxa ay u halgamaysay inay wax uun ka ogaato qorshaha uu ninkani halkan u yimid iyo kooxda la shaqaysa in ay hesho se arrinkaas wixii ka horreeyay darraad kuma aysan guulaysan.

Darraad maxaa dhacay?

Darraad markii Cabbaas uu u baxay salaada Subax waxa uu kaga kacay kursigii uu ku ciyaarayey Looxadda Monalisa ee qolka hurdada u dhexyaalay mobilkiisa oo furan.

Muna fursaddaas ma ay dayicin oo 6 bilood oo dhammaaday ayay raadinaysay.

Markiiba waxa ay gashay dhanka calendarka si ay u eegto taariikh kasta iyo waxa u qorshaysan ninkan.

Waxa ay si kedis ah u aragtay 17ka July mise waxaaba ugu qoran ( The death day of Defence minister)

Oo macnaheedu yahay maalinta dhimashada ee wasiirka difaaca.

Mar kale waxay gashay qaybta sawirada ee taleefanka waxaan ay aragtay sawiradiisi yaraantii mise ninkan iyada u sheegta Ajey Modi waaba Cabbaas Tamri oo ay si fiican u taqaanay balse khiyaamadeeda oo kale isticmaalay oo wajiga qaliin iskaga sameeyay, magacana badashay kahor inta aanu halkan iman.

Subaxaas waxa ay go’aansatay in ay disho ninkan kahor inta aanu dilin aabbeheed, waana tii ka codsatay in uu guriga walaasheed u fasaxo. Se gurigaa maba ay galine waxa ay toos ula xidhiidhay ciidanka sirdoonka ee RAW waana tii gaadhiga ku baacsatay Cabbaas iyada oo laba nin oo kale gaadhiga la saaran ilaa uu kasoo gaadhay Andres. ( Darraad waxa dhacay sheekada qaybteedi koowaad ayaynu iyado faahfaahsan kaga soo hadalnay).

Caamir oo duhur dhex jiifa qolkiisii isla markaana dhagaysanaya codka wasiirka ee ka imanaya fargalkii cod-gudbiyaha ahaa ayaa waxa uu maqlay codka gabadhii hore ugu sheegtay wasiirka xogta Cabbaas. Deg-deg ayuu u holladay taleefankiisi waana uu duubay.

Markan. Gabadha hadlaysaa waxa ay lahayd : “aabbe ninkani waa Cabbaas Tamrigii aynu naqaanay oo waxa uu u socdaa in uu ku dilo 17ka bisha ee ma aha Ajey Modiga uu inoo sheegto, haa aabbe waa askariga sirdoonkii Pakistan ee aynu naqaanay”.

Aabeheed ayaa ugu jawaabay:” sideed ku ogaatay in uu ninkani yahay Cabbaas”? Se sidee ku ogaatay in uu aniga i dili rabo?

Waxa ay ku tidhi :” Aabbo fadlan waan hubaa warkayga ee naftaada ilaali aniga ayaa kuu sheegi sida aan ku ogaaday marka aynu kulanee”.

Wasiirki ayaa inantiisi ku yidhi: ” aabbo, is daji inta aanu aniga i dilin isaga ayaynu khaarajine”.

Intaa kadib wuu dhigay taleefankii.

Caamir oo degdegsan ayaa wacay Cabbaas una sheegay wixii uu maqlay. Cabbaas ayaa yidhi: ” Caamir caawa gurigayga ayad iga la soo cashaynaysaa si aan si fiican isugu waraysano ee iigu imow salaada Cishaha kadib, cinwaankaaana soo raac”.

Caamir ayaa waqtigii ballanta gurigii cinwaankisa la siiyay soo aaday, albaabka hadduu ka soo galayna wuxuu toos usoo wajahay Cabbaas iyo gabadh qurux badan oo wada fadhiya barxadda gurigan aad hotelka mooddo.

Haddii uu salaamayna gabadhii ayaa ka qaadday, mise codkeedu waaba codkii gabadhii la hadlaysay wasiirka!!

Cammaar oo naxsan oo dareemay in gabadhan Cabbaas xaaskiisa ah ay tahay wasiirka inantiisi ay raadinayeen iyo qoftii uu codkeeda labada jeer dhagaystay ayaa bilaabay in uu gabadha sheeko usii furfuro oo la kaftamo bal si uu codkeeda u hubiyo in uu kii yahay.

Xoogay kadib, waa ay kacday gabdhii Cammaarna waxa uu helay fursad uu Cabbaas ugu sheego shakigiisa.

Cammaar: ” mudane xaaskaagan magaceed”?

Cabbaas: ” Muna ayaa la dhahaa”.

Cammaar: ” mudane ma laga yaabaa in xaaskaaga aanad wali si fiican u baran kkkkk “?

Cabbaas: ” kkkkk maya maya waan aqaana ee maxad uga jeedaa”?

Cammaar: ” Mudane bal hoo taleefankayga oo codkan dhagayso, gabadhii aan codkeeda maqlay ee wasiirka la hadlaysay waaba isla gabadhan imika inala fadhidaye”.

Cabbaas ayaa codkii uu Caamir duubay maqlay waxaana uu aqoonsaday in codkani yahay kii Muna.

Cabbaas waxa lama filaan ku noqotay in gabadhii uu dilkeeda u yimid waddankani ay tahay xaaskiisa, waxa kale oo lama filaan ku ahayd in gabadhii uu raadinayeyba ay ahayd mid ay qol wadaagaan!

Waxa uu dhex galay xaalado is qaban waa’ ah.

Werwer iyo walaacbaa soo food-saaray. Wuu ogaaday in gabadhiisu diyaar u tahay dilkiisa, waxaana uu qaatay go’aan ah in uu kaga horreeyo dilkaas oo iyada iyo aabbeheedba u dhammeeyo.

Isaga oo fikiraya ayuu ku war helay Muna oo la dul taagan laba koob oo sharaab ah kuna leh: ” qabso sharaabka Cabbaas, hoo adiguna walaal”.

Dib ayay isaga laabatay markay u dhiibtay labadii koob ee canbaha ahaa.

Cabbaas ayaa is yidhi kabbo sharaabka se Caamir ayaa ka qabtay kuna yidhi: ” goorma ayaad illowday in cadawgaagu siyaabo kala duwan kuu dili karo, miyaanad sun ka baqayn?”

Geed agtooda ahaa ayay sharaabkii si tartiib ah ciidiisa ugu qubeen si ay u mooddo inay cabbeen sharaabka.

Tolow maxaa xigi doona?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *