THE SPY THAT SPIES { part five }

THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part five }

BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybtii 5aad)

Xalqaddii hore waxa ay inoo joogtay markii Caamir iyo Cabbaas ay qubeen sharaabkii ay Muna u keentay iyaga oo ka baqay inay ku sumayso.

Xalqadda maantuna waxa ay ku bilaabmaysaa sidan

Cabbaas iyo Caamir waa ay bexeen iyaga oo toos u abbaaray hotel aan ka fogayn guriga, haddiiba ay fadhiisteena Cabbaas ayaa ku yidhi: ” saaxiib barri waa in aad ku ballamisaa wasiirka hotelka Mc Donald ee xeebta saaran, waa in aad fadhiisataan dacalka badda eegaya ee dabaqa sare si halkaa aynu ugu fulino dilkiisa”.

Caamir ayaa ku jawaabay: ” haye mudane, se ii sheeg ma sun ayaan siiyaa mise si kale ayay hawshu u dhacaysaa?”

Cabbaas: ” Andres ayaa fulinaya dilkaas, aniguna waxa aan u dhammaynayaa Muna een —— ala maya—- xaq uma laha in magacaas aan mar danbe ugu yeedho sababtoo ah magaceeda saxda ahi waa Jayanti.

Subixii xigay Muna waxa ay kusoo toostay qorshe ah in ay disho Cabbaas, koox sirdoon ah ayaa loo sii dhigay waddada si ay ugu dhammeeyaan balse Cabbaas subaxaas wuxuu maray waddo kale.

Muna oo daba-gal ku haysay ayaa u sheegtay ciidankii wadada uu maray, dhammaantoodna waa ay baacsadeen isaga. Waxa ay rabeen in ugu horrayn ay arkaan xafiiska kooxdiisa se waxa uu afka saaray dhanka xeebta isaga oo ku waajahnaa hotelkii Mc Donald ka ahaa ee uu shalay ku taliyay in wasiirka lagu dilo.

Muna iyo kooxdeedu waxa ay u malaynayeen in Cabbaas aanu ka war hayn in ay daba socdaan se si fiican ayuu ula socday iyaga. Hal-mar ayuunbu gaadhi madaw ahi ku hor go’ay kii ay saarnaayeen Muna iyo kooxdeedu. Dirawalkii iyo qofkii la fadhiyayba waa ay dhinteen. Muna iyo nin kale oo xagga danbe saarnaa iyaguna waa ay dhaawacmeen. Shilkii ayaa lagu soo ururay si degdeg ahna Ambulance ayaa qaaday labadii maydka ahaa iyo dhaawiciiba. Dirawalkii gaadhiga madaw ee shilka sababay ayaa la qabtay booliska ayaana xabsiga u taxaabay.

Cabbaas oo arkayey shilka uu galay gaadhigii ay saarnayd Muna ayaa markiiba wicitaan ka helay dhanka cusbitaalka waxana lagu war galiyay in xaaskiisi ay gashay shil kuna jirto xaalad khatar ah.

Isaga oo cadhaysan ayuu naftiisa ku yidhi: ” wali miyaa ay nooshahay doqontu, aaaaaaaax! inay dhimatayban filayey”.

Gaadhigiisu ayuu u jiheeyay dhanka cusbitaalka, waxaana loo sheegay in hadda xaalkeeddu uu khatar ku jiro sidoo kalena ay gabadhani uur u leedahay.

Cabbaas oo naxay ayaa yidhi: ” Diktoor uur miyaad tidhi”?

Diktoorkii: ” haa, haa waa uur laba bilood ah”.

Cabbaas: isaga oo naftiisa la hadlaya ayuu yidhi” alaa Ilaahayow i caawi, waxa aan sabab u noqon gaadhay in ilmahaygaa yar aan nafta dhaafiyo, diktoor ku dedaal in aad dawayso wax kasta oo kharash ahba diyaar ayaan u ahay”.

Cabbaas ma aha nin ilaawa shaqadiisa ee inta uu cisbitaalkii ka baxay ayuu wacay Caamir isaga oo waydiinaya in uu wasiirka hawshisi idleeyay.

Caamir: ” mudane hotelkii imika ayaan kasii baxaynaa aniga iyo Maariya, in yar kadibna waxa aynu maqli doonaa dhimashada wasiirka oo Maariya ayaa noo timid anaga oo wada fadhina wasiirka si deggan ayayna noogu dhigtay laba koob oo sharaab ah oo aan anigu dalbay iyada oo iska dhigaysa mid ka mid ah mudalabiinta hotelka, waa hubaal sun ayay ka buuxisay koobkiisa”.

Cabbaas: ” Bravo, Maariya waan salaamaya hawl fiican ayad qabateen labadiinuba.

In yar kadib, wararku waxa ay sheegayeen in wasiirki sakaraad yahay lana dhigay cisbitaalka isla markaana jidhkiisa sun laga helay. Dhakhaatiirta oo xaaladiisa ku dedaalaysa ayaa codsaday in si degdeg ah loo baadho cidda suntan sidatay maadama ay ahayd sun aan nooceeda hore looga isticmaalin waddanka.

Ciiidanka ayaa markiiba dib u raacay cameradii hotelka waxayna arkeen in gabadha mudalabka ah ay sun ku shubtay koobka wasiirka, waxa ay fajaceen markii ay arkeen gabadhii wasiirka sumaysay oo bixinaysa dharkii mudalabnimada isla markaana iyada iyo ninkii wasiirka la fadhiyay oo wada socdaa ay kasii baxayaan

Hotelka. Waa ay garteen in ay yihiin koox dhagarlaawe yaal ah, waxaana ay bilaabeen baadhitaan ay ku raad gurayaan.

Ciidankii waxa ay xidheen dhammaan xuduudaha, waxaana ay saldhigyada gaadhsiiyeen muuqaalkii kamaraddu duubtay iyaga oo codsaday in la xidho haddii la arko labadaas qof.

Caamir iyo Maariya isla markii ay dilka gaysteenba waxa ay u jihaysteen dhanka xuduudka Kashmir oo ahayd tii markii horeba ay kasoo gashay Maariya sidoo kalena ahayd ta ugu sahlan ee laga baxi karo lagana soo gali karo. Qorshohoodu wuxu ahaa in ay Kashmir ka raacaan diyaarad ay ku tagaan dalkoodii laakiin nasiib darro ciidanka xuduudka ayaa qabtay iyaga oo uga shakiyay inay yihiin labadii qof ee la raadinayey.

Maariya ayaa la baadhay wax caddayn ahna laguma helin sababtoo ah mobile ma ay sidan sidoo kale kamaraddii muuqaalka ay duubtay caadi wajigeeda loogama garanayn.

Caamir ayaa markiiba mobile kiisa laga qaaday. Waxaana la eegay ciddii u danbaysay ee uu wacay. Dabcan, Cabbaas ayuu ahaa qofkii u danbeeyay waxaana ka sii horreeyay wasiirka.

Way iska caddaatay in labadan qof yihiin danbiilayaasha xabsiga ayaana loo taxaabay.

Mobilkiisi waxa la geeyay shirkaddii kaadhka lahayd xarunteedi waxaana la dhagaystay codkii dhex maray isaga iyo Cabbaas oo dabcan caddayn ugu filnaa in dhammaantood ay yihiin basaasiin.

Si degdeg ah, Cabbaas ayaa lasoo xidhay, intii jeelka loosii wadayna waxa naftu ka haawatay wasiirkii oo sababsaday suntii Maariya.

Hadda waxa isku meel ku xidhan Mariya, Cabbaas, Caamir iyo dirawalkii gaadhigii madawga ahaa ee sababay shilkii Muna. Barri ayaa afartaba maxkamad lasoo taagi doonaa! Tolow maxaa lagu xukumi doonaa! Ma xabsi abadiyan ah, ma dil toogasho ah, ma dal-dalaad dadka hortooda ah mise …… bal adba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *