THE SPY THAT SPIES { End of season 1 }

THE SPY THAT SPIES { End of season 1 }
THE SPY THAT SPIES { End of season 1 }
 BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybtii 8aad)

Diktoorkii ayaa saacado kadib ku laabtay gurigii, isaga oo toos u abbaaray hooyadii. Waxa dhex maray wada sheekaysigan.

Diktoorkii: ” hooyo, aniga aabbahay kaliya waxad ii sheegtay in uu dhintay, se iimad sheegin goorta uu dhintay iyo halka uu ku dhintay ee maanta ii sheeg”.

Hooyadii : ” Hooyo wiilkaygii aabbaha runtii ma uu dhiman barigaas aan kuu sheegayna wad yarayd oo waxa aan islahaa haddii aad xaaladda aabihii ee dhabta ah uga warranto waxa ay ku yeelan saamayn. Xaqiiqadu se waa in markii iigu danbaysay uu ku jiray xabsiga sababtoo ah waxa lagu xukumay jeel-abid ah”.

Diktoorkii: ” hooyo sabab ma ayaa aabbahay loo xukumay, muxuu gaystay?” Se halkee ayuu ku xidhnaa?

Ma laga yaabaa in aabbahay noolyahay hadda?

Hooyo maxaad iiga qarisay arrinka intan le’eg ii sheeg hooyo maxaa iiga qarisay?

Hooyadii: “Waryaa anigu dantaada ayan ka taliyay waadigaa maanta diktoorka ah, aabbahana faa’ido kuma uu lahayn madama uu jeelka ku qaadanayey noloshiisa sababta loo xidhayna mar kale ayan kuu sheegayaa hadana waxa aan tagayaa xafiiski sirdoonka oo shaqo badan ayaa ii taala ee nabad ahow”.

Diktoorkii: ” hooyo inaad askariyad tahay ma waxa ay ku fartay in aad aabbahay oo nool aad iga qariso 20 sanno, haddii aabbahay marka aan raadiyo aan ogaado inuu dhintay aniga oo aan arag, runtii kuma saamixi doono. Hooyo qalbigaaga rabadhkii hadmuu radayaa?”

Naren oo naftiisa la hadlaya: ” waa in aan wax uun sameeyaa si aan aabbahay uga saaro xabsiga, haa waa igu waajib middaasi. Tolow sidee ayaan uga saaraa?

Iska daa hadda ayaan gartaye, waxa aan lacag badan siinayaa ilaaliyaha, marka uu sidaa usoo baxana waxa aan u dirayaa waddankiisi Pakistan, in aabbahay xorriyadiisa aan sabab ugu noqdo waa waajib sababtoo ah aniga dartay ayuu 35 sanno xabsiga ugu qaatay.

Subixii xigay, Naren waxa uu ku kallahay xabsigii isaga oo ujeedkisu yahay in askariga ilaaliyaha ah uu la heshiiyo. Waxa uu la kulmay subaxaas xaalad aanu waligii arag!

Dad isku wada dhar xidhan oo hub culus wata iyo kuwo kale oo dhamamantood la xaadirininayo.

Waxa lasoo gaadhay magacii Cabbaas Tamri. Odaygii Cabbaas oo luudaya ayaa meel daaqad ah kasoo qaatay jab aad u yar oo rooti ah iyo laba kabbo oo shaah ah oo ku jira sufur yar oo bir ah.

Dadka meesha ka buuxaa waa in kibirsan oo awoodda ciidameed u been sheegtay iyo in quus taagan oo diiqad laga dheehanayo dushooda.

Naren markii uu xoogay taagnaa waxa uu arkay askarigii afxidh oo soo socda isla markaana albaabka dibada kasoo galaya, inta uu ka hor tagay ayuu ku yidhi: ” askari dibada inoo saar, arrin muhima ayaan kuu sheegayaaye”.

Askarigii: ” askarina uma banaana in uu qof si gaar ah ula faqo”.

Naren: ” laakiin taliye hal minute oo kaliya”.

Askarigii: ” okay. Ina saar”.

Naren: ” Taliye ninkii shalay aan dawaynayey ee maxbuuska ahaa waxa aad iga siisaa xog dheeraada sababtoo ah xaaladiisa maskaxeed ayaan rabaa inaan aad u darso”.

Askarigii: ” isagu waa Cabbaas. 35 sanno ayuu halkan ku jiraa waxanu ku xukumanyahay xabsi joogto ah, sababta loo xukumay kuuma sheegi karo hadda se waxan ogahay kaliya in uu halkan ku sugayey wiilkiisi yaraa isaga oo rajaynayey in maalin uun xabsiga ay ku soo booqdaan wiilkaas iyo hooyadii ooo ahayd gabadh sirdoona”.

Naren: ” Mahadsanid askari, hadaba waxa la gaadhay xilligii booqashada wiilkiisuna waa aniga, kadib markii uu shalay noo warramay aniga iyo Erik waxa aan fahmay inuu aabbahay yahay imikana adiga ayaaba ii xaqiijiyay ee waxa aan rabaa in aan heshiis kula galo”.

Askarigii : ” heshiis noocma ah? Ma waxa aad isku dayaysaa in aad i iibsato anigoo ninkaa wayn ah?”.

Naren: ” Taliye noloshan askarinimada ah mid dhaanta ayaan kuu hayaa waxa aan ku siinayaa lacagta aad doonto, waddankana waxad kaga baxaysaa dhib la’aan adiga oo halka aad doonto ugu noolaan doona xorriyad kaliya aabbahay ii sii daa oo igala shaqee in uu dib xorriyadiisa u helo”.

Askarigii: ” hhhhhh, kaba soo qaad wiilyahow aabbahaa ayaan sii daynay, markaa halkee ayuu ku noolaanaya miyan la xidhahayn uun?”

Naren: “Askari, aniga ayaa og sida aan uga bad-baadinayo ee adigu halkaa aynu imika taaganahay uun ma soo gaadhsiin kartaa?”

Askarigii: ” Caawa igu soo noqo, go’aankayga ayaan farta kaa saariye”.

Askarigani waa ninkii afka xidhnaa ee cid taqaana aanay jirin, hadaba askarigan aan idinka daba geeyo sheekadiisa.

Ugu horrayn ninkan magiciisa saxda ah waa Andres waana xubin ka mid ah sirdoonkii Pakistan ee u yimid khaarajinta wasiirkii dhintay iyo inantiisi Muna Bashe.

Waa Andreskii aynu hore uga soo warranay, waa darawalkii gaadhiga madaw watay ee sababay shilkii ay gashay Muna markii ay baacsanaysay Cabbaas.

Waa ninkii lagu xukumay in uu iska bixiyo magtii iyo mag-dhawga dadkii ku waxyeeloobay ama ku naf waayay shilkaas uu sababay, waa kii iska bixiyay isla maalintaasna codsaday in lagu daro ciidanka, waa askarigii xeradan la keenay maalintii laga badalay ninkii arxanka darnaa ee ilaaliyaha u ahaa maxaabiistab, waa askarigii sii daayay ee dalkoodi ku celiyay Maariya iyo Caamir balse uu Cabbaaskani diiday, waa askari awoodayey in uu Maariya iyo Caamir raaco habeenkii baxsashada se ka doortay in uu ilaaliye u ahaado saaxiibkii Cabbaas oo aanu cid kale ku hallaynin. Waa ninka intaasoo sanno u samrayay in uu Cabbaas ka war hayo. Waa nin doonaya se garan la’aa waddo uu Cabbaaskan jeelka uga saaro oo ay u wada badbaadi karaan labadooduba.

Naren markii uu ka tagay askarigii waxa uu la kulmay saaxiibkii Erik waxaana uu uga warramay in qisada aabbihii isaga oo u sheegay in ninkii ay shalay Xabsiga ku dawaynayeen uu ahaa aabbihii.

Erik oo arrintan horeba u ogaa ayaa isaga oo iska dhigaya mid wax cusub loo sheegay oo yaabay waxa uu yidhi: ” saaxiib waa cajiibe, sawdigii igu odhan jiray aabbahay wuu geeriyooday! Iskaba daa oo hadda maxaa kuu qorshaysan?”

Naren: ” Saaxiib waxa aan rabaa in aabbahay aan jeelka ka saaro kadibna uu waddankisi dib ugu laabto”.

Erik : ” ma aabahaaga sirdoonka ah ee waddankeena khiyaamayay ayaad isku dayaysa in aad fakiso, saaxiib ma qiyaasi kartaa danbiga wayn ee aad faraha la galayso? Se sidee ayaad uga saari kartaa jeelka?”

Naren : ” aabbahay, aniga waa aabbhay waxba igama ay galin qaladka uu galay 35 sanno ayuu xabsiga ugu jiray in maalin uun ii arko, waa waajib in aan caawiyaa. Askariga ilaaliya ayaan la heshiiyay isaga ayaana arrinta igu gacan siin doona”.

Erik: ” saaxiib waa qorshe wacan waana runtaa oo waalidkeen ma colaadin karno, se goorna ayaad fulinaysaa qorshahaas”?

Naren: ” Saaxiib ma garanayo sida ugu dhakhsaha badan”.

Erik: ” hooyadaa ma ogtahay in aabbahaa noolyahay oo ma la socotaa qorshahaagan”?

Naren: ” maya saaxiib, hooyo way ogayd in aabbo xabsiga ku jiro se hooyaday dambiileyaasha waa ay necebtabay maadama ay ciidan tahay, haddii arrinkan ay ogaatana marnaba ma aqbalayso sidaa darteed wan ka qariyay”.

Erik: ” sax, saaxiib wixii aad iiga baahato wan kugu caawinaya”.

Isla markii uu Naren ka dhaqaaqayba, Erik waxa uu wacay Muna Bashe isaga oo uga sheekeyay dhammaan waxa uu wiilkeedu qorshaynayo iyo in uu isku dayayo in uu fakiyo dambiile Cabbaas. Muna waxa ay amar ku siiyay Erik in uu soo gudbiyo tallaabo kasta oo uu qaadayo wiilkeedu. Muna waa taliyaha sirdoonka sida aynu hore u tibaaxnay halka Erik uu yahay askari dhar-cad ah balse uu saaxiib la yahay Dr.Naren maadaama xirfadaha sirdoon ee uu yaqaano uu ka mid yahay Cilmi-nafsigu kaasi oo uu u adeegsado in uu dadka la qaqabto ee sirdoonada ah uu warka kaga soo saaro si cilmiyaysan, sidoo kale xirfadiisan waxa uu uga faa’idaystaa si caadi ah isaga oo dadka ka daweeya xanuunada nafsiga ah. Naren ma oga in saaxiibkii uu yahay sirdoon ee kaliyaata waxa uu u yaqaana saaxiibkii diktoor cilmi-nafsi ah waana sababta uu ugu soo kaxaystay maxbuuskii Cabbaas ahaa markii uu dawaynayey.

Laba habeen kadib Naren waxa uu war ka helay askarigii isaga oo usoo sheegay in uu aqbalay arrinkiisi, si uu u fuliyana uu u baahanyahay lacag badan oo uu siiyo askarta la shaqaysa si aanay qorshaha u kala kicinin. Naren waa wiil diktoor ah lacag badana awooda’e isla markiiba wuxuu soo qaaday lacag aan xad lahayn waxaana uu ku wareejiyay askarigii ( Andres).

Andres ayaa ku yidhi hawsha isla hadaba waa aynu dhammayn karnaa se waqtiga ugu fiican ee la baxsadaa waa waaberi ku dhawaadka ee waqtigaa ha inoo ahaato caawa. Wayahay iyo waxsan ayaa lagu kala dhaqaaqay askartan meesha joogtaana waa niman uu Andres hore ula sii faqay oo dhammaantood in ay lacag qaataan ku heshiiyay waana 3 askari oo habeenkaa gaadhka ulahaa.

Dhammaan askartan iyo Narenba afka way xidhnaayen oo wajigooda lama arkayn waxaana askarta ku dhex jiray mid jeebka sare ku sitay qalin, qalin ma ahayn ee waa kaamirad qaabka qalinka leh oo wax sawiraysa waxna duubaysa, kaamiradaasi waxa ah codka iyo muuqaalkaba toos ugu tabinaysay Muna, ninkan kaamirada wataana waa Erik oo askarigii saddexaad ee ilaalada u lahaa habeenkaas isagu soo badalay inta uu xaafadiisi ugu tagay isaga oo siiyay lacag ka badan ta uu Andres u ballanqaaday.

Saqda dhexe iyo suxuurta maxaa dhici doona?

Kalka labaad ee sheekadan hadduu Alle ii ogolaado ayaan heli doonaa jawaabta su’aashaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *