Interview Messi admits that he is old
Messi ayaa qirtay inuu dib u cusbooneysiiyay qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami CF.
Ujeedada sidaas loo sameeyay waxay ahayd inuu la qabsado Major League Soccer, maadaama uu joogo dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.
Messi, oo 37 jir ah, ayaa si xor ah ugu biiray Miami bishii Luulyo 2023 ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa PSG.
“Waxaan bedelay qaab ciyaareedkeyga sababtoo ah waqti xaadirkaan, xaalada iyo da’deyda ayaa lagu xisaabtamayaa,” ayuu u sheegay Fabrizio Romano. Wareysi Mesi oo qirtay inuu duqoobay
“Wax walba si tartiib ah ayaan ula qabsaday, waxaan bilaabay inaan dib u soo nooleeyo oo aan la qabsado horyaalkan, kaasoo igu cusub, waxaan dareemay raaxo tan iyo markii aan halkan imid.
mesi ayaa isla markiiba saameyn ku yeeshay kooxda South Florida, isagoo ciyaaray dhowr kulan, tartankii ugu horeeyay ee uu qaaday wuxuu ahaa Leagues Cup ka hor inta uusan kooxda u qaadin horyaalka.
Kahor Messi, kooxdiisu waxay ku dhameysatay horyaalka kaalinta 14-aad, laakiin imaatinka Messi ka dib, waxay ku guuleysteen horyaalka.
Haddaba, ku guulaysta abaal marinta Ballon d’Or sideedii jeer waxa uu ku qanacsan yahay shaqo kasta oo uu qabtay, waxana uu aaminsan yahay in uu wax walba ku saleeyay xaalada cusub iyo da’diisa.
One Comment on “Interview Messi admits that he is old”
Comments are closed.