THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part six }

THE SPY THAT SPIES { part six }

DOORASHADII JEELKA ( Basaasiintii is basaasay) Qaybtii 6aad

Kadib dhagaysiga eedaha dambiilayaasha, maxkamadii waxa ay xukuntay in dil toogasho ah lagu fuliyo Maariya, sidoo kalena xabsi abid ah ayay saartay Cabbaas iyo Caamir balse dirawalkii waxa laga codsaday in uu bixiyo magta dadkii dhintay iyo kharashka dawaynta oo lagu daray mag-dhawga khasaare ee dadkii shilkaas ku dhaawacmay isla markaana uu bilaa danbi yahay maadaama aanu shilka u gaysan si kas ah, waana lasii daayay.

Dirawalkii oo ku faraxsan caddaalada ciidanka ayaa ammaanay ciidankiisa sidoo kalena codsaday in lagu daro ciidanka waddankiisa, waana laga aqbalay balse waxa shardi looga dhigay in ugu horrayn uu iska bixiyo magta iyo mag-dhawga labadaba.

Maariyi waxa ay xabsiga ku sugaysaa inta ay gaadhayso waqtigii xadhiga laga soo laa-laadin lahaa waxaase qolalka kasoo horjeeda ku xidhan Cabbaas iyo Caamir oo dhambaallada quusta iyo rajo-beelka wajigooda dhab looga akhrisanayo.

Askari arxan daran ayaa afartooda ilaalo u ah.

Iska daa wax kale’e xataa xuquuqdii maxbuuska kama helaan, saddexda waqti hal-mar buu jab rooti ah iyo laba kabbo oo bigays ah siiyaa. Suuliga uma fasaxo markuu doono, haddii ay la hadlaana indhuhuu ka candhuufeeyaa.

Subax hore, ayuunbay indhaha kala qaadeen iyaga oo laga badalay askarigii waxaana la keenay nin cusub.

Cisbitaalkii ina mari, halkee ayaynu ku ilownay Muna, miyaanan kuu sheegin in ay kasoo baxday koomadii maalmo kadib se ay cidba dhinaceeda ka wayday?

Dhakhtarkii ayay su’aashay aabbeheed inuu ogyahay xaalkeeda iyo inkale. Dhakhtarkiina isaga oo been sheegaya ayuu ku yidhi aabbahaa wuu nala joogay intii aad koomada ku jirtay oo dhan se hadda wuu baxay. Intaa kadib waxa ay su’aashay bal in ay cid kale soo booqatay, waxaana uu ku jawaabay: ” haa, ninkaaga Cabbaas ayaa nala joogay se askar ayaa halkan ka kaxaysatay mana aqaan sababta, ilaa haddana muu soo noqon”.

Digtoorkii: ” Marwo waxa aan kuu hayaa war farxad leh”.

Muna: ” Ii sheeg, deg-deg”.

Digtoorkii: ” Dhawaan ilmo ayaad dhali doontaa”.

Muna: ” ma aniga, ma hubtaa diktoore”

Digtoorkii : ” Haa. Uur laba bilood ah ayad leedahay”.

Muna: ” Miyuu ogyahay ninkaygu arrinkan?”

Digtoorkii : ” Haa, haa wuu ogyahay”.

Muna: ” Allaaa ilaahayow i caawi”.

Digtoorkii : ” marwo waxaad u baahantahay nasasho badan, fadlan naftaada daryeel waan kaa sii baxaye”.

Muna waxa ay ka fikiraysay ilmahan yar ee aabihii yahay cadawgeeda in ay dhasho iyo in ay imika u dhammayso. Waxa ay garan la’ayd go’aan ku habboon se waxa ay isku qancisay in ay iska dayso hadda fikirka badan maadama ay koomo kasoo baxday.

Way ogayd in aan xabisga loo taxaabeen Cabbaas haddii aan la ogaanin in uu yahay Sirdoon Pakistani ah. Waa ay xiisaynaysay in ay maqasho warka ku saabsan fashilkiisa balse waxa ay uga hammuun badnayd in ay aragto aabbeheed.

Dhanka kale, askarigii cusbaa ee jeelka la keenay waxa uu ahaa nin wajiga qarsada, codkiisana laga dareemayo in uu bedelayo, sidoo kale waxa uu ahaa nin naxariis badan, daryeel badan ayuuna siin jiray maxaabiista, cid kasta oo soo booqatana waa uu soo dhawayn jiray. Muddo 10 bilood ah markii uu

xabsiga joogay askarigan cusubi, subax hore waxa timid gabadh dheer oo qurux badan, waxa ay laabta ku sidataa ilmo-yar oo wiil ah oo ilaa saddex bilood jiray, sidoo kale waxa ay sidday dhar iyo cuntooyin qaali ah iyo alaabo kale. Dabcan iyadu waa Muna.

Askarigii ayay waydiisatay in loo fasaxo Cabbaas.

Markii ay soo hor istaagtay Cabbaas waa ay isku dhaygageen, daqiiqado aamusnaan ah kadibna iyada oo ilmaynaysa waxa ay hadalkeedi ku bilowday: ” Cabbaas waan ogahay in aabbahay aad disheen adiga iyo kooxdaadu, waan ogahay in shilkii aan galay aad sabab u ahayd, waan ogahay in hadafkaagu ahaa nolosha in aad na dhaafiso, sidoo kale waan ogahay in aan aniguna kula mid ahay oo aan u socday dilkaaga, ma garanayo keena saxan ama qaldan balse waxa aan kuu sheegayaa in miskiinkan yar ee aan sitaa uu yahay wiilkaagii. Waxaan u bixiyay Naren oo macnaheedu yahay adayg sababtoo ah wuxuu ku dhex dhashay xaalado adag, waanad ka badali kartaa magaca sababtoo ah aabbihii ayaad tahay.

Wax kasta oo dhacay waxa aan ku ilaawayaa in wiilkayga aad aabbe u tahay, waan ka xumahay in aad noloshaada ku qaadan doonto halkan se waan kusoo booqan doonaa marar badan wiilkaagana wan kusoo tusi dooonaa, iga hoo alaabtan”.

Maalmo kadib, waxa la iclaamiyay in barri la dal-dalayo Maariya. Isla subixii la daldali lahaa Maariya intii aanu waagu baryin waxa qolkeeda iyo kii Cabbaas iyo kii Caamirba aayar furay askarigii ilaaliyaha ahaa. Waxa uu u sheegay inay aayar baxaan si aanay maxaabiista kale u ogaanin. Dhammaantood dibada ayay uga soo baxeen waxaan la gaadhay waqtigii baxsashada. Gaadhi Jeep ah ayaa kidinka u taagnaa oo uu sii diyaariyay askarigu, Maariya iyo Caamir aya deg-deg ugu booday, se Cabbaas ayaa askarigii ku yidhi muxuu yahay qorshaagu?

Askarigii ayaa ku jawaabay waxa aydun ka baxaysaan xuduudka dhanka Kashmir kadibna dib uma soo laaban doontaan dhammaantiin sidaas ayaydun ku tagaysaan waddankiinii.

Cabbaas: ” Maxaad noo badbaadinaysa? Yaad se tahay adigu?

Askarigii: ” Muhiim maaha inaad ogaato jawaabaha su’aalahan ee waxa muhima inad dantaada garato”.

Cabbbaas ayaa ku jawaabay: ” Maya, anuu ma baxayo, halkan waxa igu soo booqan doona wiilkaygii iyo hooyadiis, haddii se aan raaco dadkan dib uma arki doono. Kama tagayo halkan anigu”.

Asxaabtiisi si kasta waa ay ula hadkeen Cabbaas, se kama uu yeelin, waxa uu dib ugu laabtay qolkiisi albaabkii ayuuna dusha iskaga qufulay.

Labadii maxbuus si ammaan ah ayay subaxdiiba u galeen xuduudka Kashmir iyaga oo ka badbaaday ciidankii India.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *