THE SPY THAT SPIES { part one }
BASAASIINTII IS BASAASAY ( Qaybta koowaad).
Waa jiidha Waaberi, shimbiruhuna wali ma ciyin, xidig wayn ayaa cirka dhankiisa bari aad uga iftiimaysa, qacdii hore waxaan u maleeyayba bil inay tahay se xoogaa markan u fiirsaday waxan gartay inuu yahay meerihii Jupiter. Salaadii subax wax badani kama hadhsana oo saacada wan la socdaa madama aan goorahanba soo jeeday. Kaabad guriga hortiisa ahaydban yara fadhiistay, ma garanayo indhahaygu waxa ay cirka ka doonaan mar walba se waxaabad moodaa sidii shimbiro oomman oo Alle roob ka sugaaya.
Quruxda cirkaan ka fikirayaa, xidigahan ku tallagan baan kolba soo xasuusanaya aayad sheegaysa inaanay kaliya qurux ahayn ee ay difaacna u yihiin samada.
Allaa sug waxbaan xasuustee, shalay mabaan ciyaarin dheeshii aan jeclaa ee u baahnayd fikirka xeesha dheer, waa inaan hadda ciyaara intaan cidba soo toosin waa intaso aan hadhow haleeli waayaye.
Looxadii waynayd ee Monalisa ayaan soo qaaday kadibna qolkaygan daf la idhi.
Xalqadaha bilowga ahba intaan is dhaafiyan si ba’an isugu dhex daadiyay qaybihii ay ka koobnayd looxaddu.
Saacad badh ayaan dul fadhiyaa walina gabadha madaxeedi xataa isku maanan aaddin, waan soo caajisayaa oo naftaa bilowday inay ku daasho se Cabbaas guul darada wuu necebyahay oo dabcigaygaa igu qasbaya inaanan ka kicin ilaa aan gabadha si dhamaystiran isugu wada aaddiyo jidhkeeda.
Madaxa haddaan toosiyo laabtaa kala fuqaysa, hadaan laabta toosiyana madaxaa bashaaqmaya. Adakaa ma birbaa.
Qolka waxa dhankaa daaqadda kursi yaala buug ku akhrinaysa xaaskaygi Ina Baashe, waan hubaa inay akhrinayso buug caafimaad ah sababtoo ah waxay horeba u liqday kumanaan la mid ah.
Ma ay fogayn markaan is aroosnay oo 5 bil ayaaba kasoo wareegtay waxaanay ahayd markii aan waddankan joogay laba bilood oo qudha.
Waa quruxlay, khaanadaha dharkeeda waxa ka cufan ta shahaadooyinkeda. Waxa ay sidataa degree Caafimaadka iyo qaliimada indhaha ah, sidoo kale waxa ay haysataa Master cilmi baadhista indhaha iyo xanuunada asiiba ah oo ay ka qaadatay isla waddankan Hindiya oo anigu aan marti ku ahay hawl galna aan u joogo se iyadu ay u dhalatay. Waxa aanu ku jirnaa nolol raaxo leh oo laga soo bilaabo galabtii isugu kaaya horraysay ee aan kulano ilaa caawadan waxa ay la dhacsantahay qaabka qarsoon ee aan nolosha ku wado, mar walba waxa ay i waydiisaa halka aan ka keeno waxan oo lacag ah anna waan is dhaafiyaa waayo shaqadayduba waa qarin, khiyaamo iyo aamusnaan ( Sirdoon), malaayiinta waddankaygu mushahar ahaanta ii siiyo ayaa suurto galisay inaan nolosha Hindiya sidaan doono ka yeelo se shaqaa la iga rabaa oo waa in aan Khaarajiyo wasiirka gaashaan-dhigga iyo inantiisa afka dheerba maadama ay waddankayga (Pakistan) soo khiyaameen kana mid ahaan jireen sirdoonkayaga. Markii ay xogta waddankayaga iyo ciidankayaga heleena ay usoo baxsadeen waddankoodan. Haa , haa waa in aan dilaa kahor inta aanay cidna la wadaagin xogta ay hayaan.
Hal mar ayay soo booday ina Baashe. Ileen daaqadda ayay xigtaye eedaankii salaada ayay maqashay.
Aniga Labada rakcadood ee salaada subax ka horreeya imaba dhaafi karaan sababtoo ah nabigaa yidhi dunida iyo waxa yaala way ka khayr badanyihiin, gurigaan ku sunaystay kadib masjidkan u baxay. Wan soo laabtay, qureecdii waa ka diyaar dhanka xaafadda oo inantii shaqaalaha ahayd ayaa goor horeba habaysay.
Dhankaa hoolka ( Gymta) ayaan u yara kacay, xoogaa inaan jimicsadan rabay. Hadaan soo galay hoolkiina waaba quruxlaydii ina Baashe oo jimicsi adag wadda, orod xawli ah ayay ku jirtaa. Mishiinka orodka ayaaban uga baqay inuu la jabo.
Saaka horteed ma arag iyadoo xawarahan ku ordaysa, haku jabin ee tartiib ayaan idhi. Si aad meel fog u gaadho uma baahnid inaad waqti badan socoto ee waxaad u baahantahay inad degdeg u orodo ayay ku jawaabtay.
Inay ii bannayso mishiinka orodka ayaan ka codsaday se waan ogaa inaanay dhayal iigu bannayn doonin. Intay dhoola caddaysay ayay orodkii iska wadatay, wan ka damiyay kadiban dhulka ayan usoo dajiyay, waxan ku idhi :” quruxdani uma qalanto in sidaas oo dhan loo daaliyo”. Waxay ku jawaabtay:” quruxdu waxay qurux ahaanaysaa inta ay sida harimacadka u ordayso, sida kaangurudana u booto dhisanayso oo haddii ay joojiso inay is daaliso waxay noqonaysa qurux daashay”.
Xoogaa kadib wanu ka soo baxnay hoolkaas, waxanu galnay qolkii quraacda kadib waxa ay ii sheegtay in maanta ay fasax rabto si ay u booqato gurigii walaasheed, anna waxan ku idhi waa sax aniga ayaa kusii qaadaya hadda ee diyaar garow.
Daqiiqado kadib waxa aanu taagnayn daaradda guriga. Gaadhigaygii yaraa ee Vitarada ahaa ayaan soo dhaweeyay, ma jecliba inaan baabuur qaaliya ku socdo.

Maanta labiskeedu quruxdeedii ayuu qurux kale ku daray, dhar wada madaw ayay xidhantahay. Okiyaale dhuuban oo hareeraha cad ayay indhaha ku sidataa.
Waligay gabadh aan hooyaday ahayn albaabka gaadhiga kama furin, ee way soo kortay gaadhigii intay iska furtay daaqaddii. Gurigii walaasheed oo aan fogayn ayaan sii dhigay.
Xafiiskayga cidi ma taqaan halka uu ku yaal, marka laga reebo cidda xafiiskaa igala shaqaysa.
Cabbaar markii aan socday ayuu taleefan igu soo dhacay. Waa Maariya oo ah isku xidhaha shaqaalaha xafiiska sirdoonka ee aan ka shaqeeyo.
Sidii qof naxsan ayay ila boobtay mudane fadlan taxaddir ciidamadeenu waxay noo sheegeen in dabagal lagugu hayo, waddo kasta in lagugu khaarajiyo ayaa la rabaa fadlan naftaada een …. wuu go’ayba wicitaankii aniga oo aan kalmad odhan.
Gaadhiga ayaan xawaarihiisa dheereeyay aniga oo ku kalsoon xirfaddayda raad-gadasho ee aan sannadada badan soo baranayey kuna shaqaynayey.
Markiiba waan dareemay gaadhiga i daba joogaa inuu yahay Rav4 baroo ah, dadka saaran ayaan muraayadda ka tirsaday waana laba rag ah iyo gabadh.
Waxa aan helay jaanis aan ku khal-khaliyo, afar gaadhi oo kayga oo kale ah oo is daba socda ayaan xawaare sare ku gaadhay. Saddex ayaan dhaafay, midkii koowaad ayaa laabay kii ugu danbeeyayna sidoo kale. Gaadhigii i baacsanayey oo xoogay aan ka fogaaday ayaa isku dayey inuu xawaaraha kordhiyo se dhexdayada gawaadhidii ku jiray midkood ayuu taayir qarxay kadib baabuurtii danbe oo dhan ayaa jaam galay.
Taayirkaa qarxay waxa toogtay Andres isaga oo adeegsanaya baaskooladda aan shanqarta lahayn.
Andres waa mid ka mida ciidanka sirdoon ee muddada ugu dheer aan wada shaqaynay. Waa saaxiibkay aanu isku fasalka ku qaadanay xirfadaha sirdoonka.
Waxa aan xasuustaa in uu ahaa ardayga ugu xasuusta fiican oo mar aanu tababar ku jirnay ayaa filin naloo shiday, filinku wuxuu muujinayey tareen maraya meel kayn oo qol ka mida qolalkiisa ay tuug baastoolado ku hubaysani galayaan kadibna ay rasaas ridayaan si ay dadka u cabsiiyaan isla markaana ay qaadanayaan xoogaa lacag ah oo rakaabku lahaa iyo kartoono ka mid ah badeecaddii saarnayd tareenka.
Marakanu 10 mirir daawnaynay waa la damiyay filinkii marakaasa nala waydiiyay imisa budhcad ah ayaa u dhacday tareenka, cidna kama ay jawaabin Andres mooyaane, hadana waxa nala waydiiyay imisa rasaas ah ayay budhcaddu ridday?
Dhawr jawaab oo qaldan ayaan bixinay se Andres ayaa jawaabtii saxda ahayd bixiyey.
Andres wuxuu awoodaa in uu maalin dhan xasuusnaado inta gaadhi ee kasoo hor baxday iyo mid walba taarikadiisa iyo xataa wajiga darawalka waaba sidii CC camera, sababta uu gaadhiga u
banjariyayna waa in uu aniga igu kaalmeeyo raad gadashada oo markii lagu wargaliyay inaan khatar ku jiro ayuu usoo baxay arrinkayga.