Kulanti wacan kusoo dhawaada maqaalkeenan, waxaan halkan kaga warami doonaa
wararkii udambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo khamiis ah.
wararkii udambeeyey ee suuqa kala iibsiga
Kyle Walker waxa laga yaabaa inuu ka tago Man City, iyadoo kooxda heysata horyaalka
Premier League ay ka fakireyso mustaqbalkiisa ka dib markii uu usoo bandhigay qaab ciyaareedkiisa liita.
dhinica kale,Tottenham ayaa isku dayi doonta inay xoojiso daafaceeda dambe bisha janoury ee xagaaga dambe waxaana ay suuqa ugu jirtaa helida difaac cusub.
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale keeni kara difaaca Goncalo Inacio,
weeraryahanka Pedro Goncalves iyo garabka Marcus Edwards hadii loo magacaabo bedelka Ten Hag.
Amorim ayaa qirtay in aan wax goβaan ah laga gaarin mustaqbalkiisa, waxaana la filayaa inuu sii ahaado
tababaraha kooxda Portugal marka ay wajahayaan Estrela habeenka jimcaha.
Manchester United ayaa rajaynaysa in ay Ruben Amorim geyso garoonka Old Trafford kulanka Axada ay la ciyaarayaan Chelsea ka dib markii ay soo bandhigeen xiisaha ay u qabaan maamulaha lisbon.
Daafaca Barcelona Eric Garcia ayaa waxaa doonaya Real Sociedad iyo Girona,
iyadoo amaah uu ku bixi karo xiddiga reer Spain bisha janoury.
Newcastle United ayaa diiwaan gelisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo,
laakiin waxay tartan kala kulmi doontaa Arsenal iyo Liverpool.
Gunners ayaa doonaysa in ay Emirates u dhaqaajiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Munich ee Leroy Sane, marka uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga.
wararkii udambeeyey ee suuqa kala iibsiga
Labada ciyaaryahan ee Real Madrid Eduardo Camavinga iyo Rodrygo
ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqaan Old Trafford haddii Amorim uu qabto xilka tababare ee man-united.
Chelsea ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo helida ciyaaryahanka Sporting Viktor Gyokeres,
kaasoo diirada u saarnaa dhowr kooxood oo Yurub ah intii lagu jiray xagaagii inasoo dhaafay
Waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City kuwaas
oo sidoo kale doonaya xiddiga reer Sweden.
wararkii udambeeyey ee suuqa kala iibsiga maxaad kuoo kordhin lahayd Mahadsanid
2 Comments on “wararkii udambeeyey ee suuqa kala iibsiga”
Comments are closed.