Pogba Oo Fashilay Sir Uu Qarinayay .

pogba

ciyaar yahankii hore ee kubada cagta imikana ah ciyaar yahan dib ubilaabay kubadisii cagta markii uu kasoo noqday xayraad laga saaray kubada ayaa waraysi siiyey

markii uhoraysay warbaahinta Paul Pogba ayaa sidoo kalena sheegay in Manchester United
ay β€œxannibtay” markii uu doonayay inuu kooxda ka tago, iyadoo Ed Woodward oo ah maddaxa fulinta kooxda Manchester ,
uu diiday inuu iibiyo. Pogba, oo hada ah nin 31 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayay inuu ka tago Old Trafford
sanadkii 2019 kadib markii pagba uu u sheegay tababaraha kooxda Ole Gunnar Solskjaer, iyo Woodward, in uu doonayo inuu baxo kooxda.

pogba

Xiddiga reer France ayaa haatan loo ogolaaday inuu tababarka dib u bilaabo bisha january ee sanadkan inagu soo foole ,waxaana uu kusoo
laaban karaa garoomada bisha maaris ka dib markii ganaax daroogo lagu soo rogay laga qaaday.

Pogba waxaa lagu helay jidhkiisa inuu isticmaalay maado laga mamnuucay ciyaartowda oo lagu magacaabo DHEA, laakiin Maxkamadda Ciyaaraha
ee CAS SPORTS ayaa sheegtay in uusan si ula kac ah u qaadan, kadib markii uu sharraxay in dhakhtar ku nool Mareykanka u qoray isaga oo uga dhigay daawo uu isticmaali karro.

pogba

Pogba waxa uu sheegay in dadkii uu ku kalsoonaa misana uu aadka ujeclaa ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu adeegsado maandooriyaha.
Waxa uu sidoo kale xusay in sheekadiisu ay noqon lahayd mid ka duwan tan hadda taagan haddii la oggolaan lahaa inuu ka tagayo United sanadkii 2019.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *