10 cunto oo dhaldhalaalka jidhka soo celiya
wali ma isticmaashay waxyaabaha loo adeegsado qurxinta
maqaar oo kharash badan maku bixisay ,imika waa wakhtigii
kuugu haboonaa ee aad joojin lahayd waxyaabahaaso aan
waxtarka kuu lahayn waxyeelo mooyee.
aadna bilaabi lahayd cunto aad qaadanayso maqaar kaagana
siinaya qurux iyo caafimaad.
Qoramadan waxaynu kaga hadli doonaa 10 cunto oo aanu is leenahay
jidhka bani’aadamka ayey wax ka badali doontaa
10 cunto oo dhaldhalaalka jidhka soo celiya
1 = BARBAROONIGA GUDUUDAN : noocan cuntada ah waxa la isticmaala
isaga oo karsan iyo isagoon karsanaynba waxaana 100% laga helaa
vitamin C, sidoo kale waxa ku jira xaddi badan oo viberka cuntada
ku jira , vitamin B6 iyo sodoo kale wuxu qanni ku yahay maadada
loo yaqaan kaarotaynayd oo ka hortagta inuu naqaarkaagu duuduubmo
waxaanu siyaadiyaa wareega dhiiga uu maqaarka ku imanayo taasina
waxay dhalisaa inuu maqaarku yeesho dhaldhalaal iyo mid aad
uqurux badan.
sidoo kale waxa uu babaroonga casi la dagaalamaa finanka wejiga
kasoo baxa ee loo yaqaano fin-doobka..
2 = JUKULAADADA MADOW {black chukelate} :shukulaaadad madow waxay
qanni ku tahay anti-oxidance iyo fatty acids oo xoojinaya koritaanka
maqaarka jidhka bani’aadamka anti-oxidance ku jirra shukulaadada
madow waxa uu ka hortagaa qalaylka maqaarka waxaanu ka hortagaa
in ay waxyeelo kaasoo gaadho dhanka qoraxda.
shukulaadada madow waxy kordhisaa wareega dhiiga taasi oo keenaysa
inaad hesho maqaar fayow oo bad-qaba.
3 = KALUUNKA SAALMOON : waa cuntada ugu fiican ladagaalanka war-warka
cabsida iyo isku-buuqa waxaanu jidhka siiya baahida vitamin D
waxaanu ka hortagaa kansarka ku dhaca mindhicirka weyn {cancer of large
intestine}, cudurada wadnaha, iyo lafaha .
kaluunkan noocan ah waxa ka buuxa dufanka loo yaqaano OMEGA3 oo aad
ugu fiican ladagaalanka maqaarka duuduubma sidoo klena fiin-doobka cunista
noocan kaluunka ahi waxauu madaxaaga ka dhigayaa mid nafaqaysan.
4 = SALIIDA QUMBAHA : waxa ay kamid tahay ilaha ugu qanisan ee laga helo
saliidaha nooca loo yaqaano { satroitic oils } waxa sidoo kale ku jira
{ lurack acid } oo ladagaalama bakteeriyada iyo fayraska sidoo kale waxay
saliidani qani ku tahay aashatooyin badan oo aasaasi u ah vitamin D da
iyo waxyaabo kale waxanay si heersare ah kor ugu qaadaan wareega dhiiga
waxaanay qanjidhka dhuunta ku yaal ee loo yaqaan { thiarot } ka caawiyaan
hoos udhigida miisaanka jidhka.
5 = SHAAHA CAGAARAN : shaahani waxa uu leeyahy anti-viruska iyo amino-aicdka
loo yaqaano { lithanin } oo dabciya jidhka isla markaana yareeya wer-werka
marka uu shaahu kulul yahay waxa uu inta badan siidaaya noocyo badan oo kamida
anti-oxideska kaasi oo lacadeeyey in uu ka hortago kansarka, sidoo kale shaaha
cagaarani waxauu yareeya halista iyo inuu kor ukaca qofka dhiigarkiisu.
6 = KOOSTADA : koostadu waxay leedahay nafaqooyin badan oo muhiim uah oo ay
maalin walba ubaahan yahay jidhka bani’aadamku waxaana laga helaa macdano badan
oo ay ka mid yihiin folick acid ,magnesium ,viber ,vitamin E , vitamin A , protein,
iyo vitamino kale waxay si gaara ucawisaa maqaarka waxaana ku jira anti-oxides
la dagaalama dhamaan waxyeelooynka ku dhaca maqaarka ,
markaad koostada cuntid waxad nadiifinaysa jidhkaga adiga oo ka bilaabaya gudihiisa.
7 = ANSALAATADA : ansalaatadu inta badan waxba uma aaragno laakiins waxay jidhkeena
siisaa vitamino iyo macdano badan oo ay kamid yihiin sodium,patassium ioy biyo badan
waxany ka hortagdaa qalaylka jidhka
.
8 = CAMBE BA’BAYGA : waa khudaar cajiiba oo leh nafaqooyin badan waxaana aad ugu yar
milicda mana laha wax loo yaqaan crystarol ama { sonkorta } sidaa awgeed hadii aad
doonayso inaad miisanka jidhkaaga dhinto isticmaal cambe ba’bayga waxa kale oo
uu aad ugu fiican yahay dheefshiidka,
waxaana laga helaa vitamin C ,vitamin E , iyo sidoo kale vitamino kale ayaa ku jira.
9 =KAAROOTAHA :kaarootuhu waxa uu soo celyaa nuurka indhaha sidoo kalena waxauu ufiican
yahay maqaarka bani’aadanku inuu iska nadiifyo bur-burka iyo unugyada dhintay waxaan
laga helaa vitamino awood uleh in ay burburiyaan samaysanka unugyo siyaadada ah ee ka
samaysma dusha sare ee maqaarka sidoo kale waxa uu yareeya unugyada kansarka.